18MayNews.com
Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Abirisak Said Ayanle Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyskii Qaraabadii Iyo Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Suldaan Carab Cabdi Cali Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
August 9, 2019 - Written by admin

Sanaag(18May-News.com)

Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Abirisak Said Ayanle Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyskii Qaraabadii Iyo Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Suldaan Carab Cabdi Cali Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.

Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Sheekeeyey Taariikhda Aan La Hilmaami Karin Iyo Dhaqanka Suuban Ee Eebe Ku Manaystay AHUN Suldaan Carab Cabi Cali Ayaa Ku Tilmaamay Tiirdhexaad Ka Baxay Qarankan Somaliland Wuxuuna Xoghayuhu illaahay Uga Baryey Marxuumka Inuu Rabbi Janooyinkiisa Ku Macsuumo Ehelada, Qaraabada, Qoyska, Iyo Qaranka Somaliland-na Ka Siiyo Samir Iyo iimaan Saadiqa.

AHUN Suldaan Carab Cabdi Cali Wuxuu Ahaa Nin Jecel Nabadda Oo Ku Suntan Nabad Ku Wada Noolaanshaha Ummada Reer Somaliland Maanta Wuu inaga Baxay Oo Inoo Soo Noqon Maayo Wuxuuna Tegay Hoygiisii Rasmiga Ahaa Allena Waxka Baryayaa Inuu Noqdo Marti La Jecel Yahay.

Alle Ha U Naxariistee Carab Cabdi Cali Wuxuu Ahaa Suldaanka Guud Ee Midka Mida Beelaha Dega Gobolada Sanaag Togdheer Sool Iyo Saraar Wuxuu Ku Caan Ahaa Nabadaynta Iyo Ka Shaqaynta Islaaxa.

 

Warbixin Taariikh Nololeedka Suldaanka Halkan Ayaanu Idinkula Wadaagaynaa Qadar Yar Ka Dib.

 

innaa lillaahi wa innaa illayhi raajicuun.

 

 

COMMENTS
Latest News