18MayNews.com
Qoys Qaxoontiya Oo Aqal Galkoodu Hore Uga Dhacay Dalka Australia Oo Masaafuris Loo Qorsheeyay+Diyaaradii Ay Saarnaayeen Oo Lagu Amray Inay Degto[Faah Faahin]
September 1, 2019 - Written by admin

Hargaysa(18may-news)

Qoys Qaxoontiya Oo Aqal Galkoodu Hore Uga Dhacay Dalka Australia Oo Masaafuris Loo Qorsheeyay+Diyaaradii Ay Saarnaayeen Oo Lagu Amray Inay Degto[Faah Faahin]

Waalidiinta qoyskan oo lagu magacaabo Nadesalingam iyo Priya ayaa ku kulmay, iskuna guursaday dalka Australia ka dib markii ay ka soo carareen dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalkaasi Sri Lanka. Labadooda gabdhood ee Tharunicaa iyo Kopika ayaa labaduba ku dhashay dalka Australia.

Taageerayaashooda ayaa ku doodayay inay la kulmi karaan cadaadis haddii lagu celiyo dalka Sri Lanka sabatoo waxaa loo aaneysan karaa saameyntoodii siyaasadeed ee hore.
Qoyskan ayaa waxay muddo Saddex sannadood ah ku noolaayeen magaalo yar oo lagu magacaabo Biloela ka hor inta aan bishii Maarso ee sannadkii hore si khasab ah loo geyn xarumaha dadka lagu hayo.

Jimcihii ayaa waxay maxkamad federaal ah go’aamisay in ilaa Arbacada soo socota aysan dowladda tarxiili karin gabadha u yar reerka.
Sidee iyagoo hawada ku jira ay u suurogashay in la joojiyo musaafurintooda?
Dibedbaxayaasha ayaa habeenkii Jimcaha gaaray Gegida diyaaradaha ee Melbourne, ka dib markii ay ogaadeen inay musaafurinta qoyska ay saacada uun ka dhimantahay.

Ka dibna diyaaradii ay qoyska saarnaayeen ayaa hawada gashay, balse nasiib wanaag intii ay hawada ku jireen ayaa qareenadoodii ku guleysteen kiiska gabadha yar oo ah in ilaa Arbacada aan la musaafurin karin, waxuuna garsooraha maxkamadda uu amar ku bixiyay in diyaaraddaasi ay khasab tahay inay ku dagto gobolka ugu dhow, waxayna caga dhigatay magaalada Darwin ee ku taalla waqooyiga dalkaasi Australia.

Muuqaallo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qoyska oo ay diyaaradda ka soo dajinayaan ilaalada.

Angela Frederick oo saaxib dhow la’ah ayaa BBC-da u sheegtay in qoyska ay la daalaa dhacayaan daal iyo niyad jab dhanka maskaxda ah.

Waxay sheegtay in gabdhuhu ay ku dhex ooynayeen diyaaradda, halka hooyadood Priya-na loo diidey inay caruurteeda la fariisato.

Jimcihii dad badan oo reer Australia oo ay ka mid yihiin xildhibaano ayaa caro ka muujiyay dhacdadaan, iyagoo adeegsanayay baraha ay bulshada kuwada xiriidho.

Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa wasiirka socdaalka David Coleman ku booriyay inay qoyskan u ogolaadaan inay dalka sii joogaan.

 

 

Source BBC

COMMENTS
Latest News