18MayNews.com
Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem Cilmi Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Maado Cusub Oo Lagu Soo Kordhin Doono Waxbarashada Somaliland . [Faalo Guud]
September 2, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem Cilmi Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Maado Cusub Oo Lagu Soo Kordhin Doono Waxbarashada Somaliland . [Faalo Guud]

 

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem Cilmi Oo Shalay Ay U Yeedheen Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Wasiirku Sharaxaad Ka Bixiyey ,Qorshayaasha Wax Ku Oolka Ah Ee Wasaaradiisa Uqabsoomay Mudadi Uu Xilka Hayey Iyo Qorshayaasha Fog Ee Wasaradiisu Hiigsanayso Iyo Weliba Qorshaayaasha Hadda Gacanta Lagu Hayo .

Waxana Mudanayaasha Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland Ay Su’aalo Waydiyeen Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaji Adem Cilmi Oo Shalay Hor Tagay Mudanayaasha Aqalka Gurtida Somaliland .

Wasiirka Ayaa Dhiniciisa Su’aalihii La Waydiiyey Uga Jawaabey Sidii Ugu Macquulsanayd Waxana Mudanyaasha Joogtada Ah Ee Aqalka Guurtida Somaliland Intii Lagu Madasha Wejiyadooda Laga Dheehanayey Farxad Iyo Kalsooni Ay Abuureen Jawaabihii Uu Bixinayey Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Oo Jawaabo Miisaaman Oo Mudanayaashu  Ku Qanceen Bedka Soo Dhigey .

 

Intii Uu Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem Cilmi Ku Gudo Jirey Kulankii Uu Shalay La Qaatey Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland Waxa Wasiirku Sheegay Inay Horaanta Bisha Disenber  Ay Dhamaystiri Doonaan Dejinta Manhajka Wadaniyada Oo Ka Mid Noqon Doonta Maadoyinka Lagu Barto Goobaha Waxbarashada Somaliland .

Waxana Hadaladi Wasiirka Ka Mid Ahaa

’ ‘”Dhamaystirka Dejinta Manhajka Wadaniyada Oo Lagu Baranayo Dastuurku Waxay Ka Mid Noqonaysaa Waxyaabaha Ugu Waa Weyn Ee Dalkani Ku Talaabsaday Maadaama Oo Dastuurkiisii Iyo Barashada Wadaniyada Uu Ku Daray Manhajka Waxbarasho Ee Ilaa Heer Jaamacadeed Taas Oo Aanu Doonayno Inay Dhamaystiranto Inta Ka Horaysa Bisha December.”´

 

Tan Iyo Intii Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Loo Magcaabey Maxamed Xaaji Adem Cilmi Waxa Is Bedel Weyn Oo Muuqda Ku Yimi Nidaamka Ay Wasaaradaasi U Shaqayso Oo Aan Hore U Dhaafi Jirin Caasimada Hargeisa Oo Kaliya .

Waxana Ka Mid Ah Is Bedelada Muuqda Ee Wasiir Maxamed Xaaji Adem Cilmi La Yimi .

 

  • Dhismaha Qaab Dhismeedka Wasaarada
  • Furitaanka Xarumaha Wasaarada Ee Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Oo Dhan .
  • Dejinta Siyaasada Guud Ee Wasaaradaasi
  • Gaadhsiinta Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Gobol Iyo Degmo Kasta Oo Wadanka Ka Tirsan (28 Sano Kadib Tuulo Iyo Magaalo Kasta Oo Somaliland Ka Tirsan Waxa Markii Ugu Horeysey La Gaadhsiyey Dastuurka Jamhuriyada Somaliland)
  • Curinta Barnaamijyo Shacabka Somaliland Lagu Barayo Dastuurkooda Oo Meel Wanaagsan Hadeer Maraya .
  • Hawl Gelinta Shaqaale Karti Iyo Awood U Leh U Adeegida Shacabkooda .

 

 

La Soco Qaybta Labaad .

 

 

Qore: Nuur Cali Maxamed

G,E Of 18maynews .

COMMENTS
Latest News