18MayNews.com
Xildhibaaan Mubaarik Bidhi Oo Fariin Muhiima Udiray Bulshada Somaliland[Faah Faahin]
September 6, 2019 - Written by admin

Hargaysa(18may-news)

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Kamida Golaha Deegaanka Burco Ayaa Qoraal Uu Ku Baahiyay Bogiisa Facebookga Waxa Uu Dhanbaal Dardaraana Udiray Bulshada Somaliland

Dhanbaalkani Ayaa Udhigna Sidatani

 

[Umada Somaliland waa umad Muslin ah 100% alxamdu lilaah dastuurka Dalkeena waxa ka reban waxi shareecada islaamka ka hor imanaaya iyo dhaqan xumada .

وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَىٰ ۖ وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ

Madaama aynu nahay umad islaama madaama diintenu ina farayso xumahana iska reba wanaagana is fara .madaama qof walba ay jirto maalin alle subxana watacaala la xisaabtamaayo.madaama laba malag inaga qorayan waxaynu ku hadlayno bila calayk dadkaygow iska daya qoralada ku difaacaysan dhaqanxumada .waanan idin nasteexaynaya .xumaha iyo dhaqan xumada iyo bulshadeena waxii xuman lagu faafinayo meel uga soo wada jesta .bilacalayk haa tageeerin xumaha iyo dhaqanxumada iyo diintena islaamka ku ah qalad. Ha odhan dal hebla iyo magaalo hebla wax walba waa ka jiran maxa Burco loogu ogalaan waayay in dhaqan xumo iyo nite club ama meelo lagu caweeyo logu samayn waayay .wanu tageersan tahay Culimadeena waa furaha nabada waa ilaaliyaha diintena meel kasta oo ay joogan .

Ugu danbayn Culimada Togdheer iyo maamulka Gobolka Togdheer iyo Golaha degaanka Degmada Burco oo mayar Maxamed Murad oo culimada Magaaladana ka mida iyo waliba shacabka Burco waxay ka midaysan yihin inay diintooda iyo dhaqankooda ilaashadan waxii dhaqan xuma meel uga soo wada jestan

Waxan uga nasteexaynaya kuwa qoralada ku difacaya dhaqan xumada kuwa leh magaalada waxas ayaa laga sameeya maxa Burco maxay sida magaalo heblo u noqon wayday .

Ugu danbayn magaalada Burco waxay ledahay gole degaan oo ka kooban 21 xubnood oo loo dhariyay masuliyada magaalada alle waxbu ka waydiinaya.

Waxaynu lenahay Wasir iyo wasarad Diinta iyo awqaafta oo shiikh khaalil ka yahay Wasir alle cimriga ha u barakeeye.

Fiiro Gaara” hays odhan u jawaab haysna odhan Banayso wax alle inoo diday .]

COMMENTS
Latest News