18MayNews.com
Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem Oo Maanta Tababar Lagu Kobcinayo  Garaadka Iyo Aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaasi Ka Furey Magaalada Hargeisa .[Faah Faahin]
September 9, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem Oo Maanta Tababar Lagu Kobcinayo  Garaadka Iyo Aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaasi Ka Furey Magaalada Hargeisa .[Faah Faahin]

Ugu Horreyn, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jsl, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Ayaa  Furay Tababarkani Oo  Labo Maalmood Soconaya Waxana Tababarka Fulinaya  Komishanka Maamul Wanaagga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Jamhuuriyada Somaliland

Waxana  Madasha Tababarka Loogu Qabanayey Shaqaalaha Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha  Ku Sugnaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka  Somaliland  Mudane Jamaal Cabdi Muuse, Madax Waaxeedyada Wasaaradaasi Iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi .

Waxana Kulankaasi Lagu Lafo Gurey :-

1. Isla Xisaabtan “Accountability”,
2. Daah-Furnaan “Transparency”,
3. Sugnaan Iyo Waxqabad ” Efficiency And Effectiveness”,
4. Ku Dhaqanka Sharciga Iyo Kala Danbeyn “Rule Of Law”,
5. Tayeynta Aqoonta Maamul Wanaag Ee Shaqalaha,
6. Xakameynta Musuqmaasuqa “Control Of Corruption”,
7. Iwm.

Si Loo Gaadho Qodobada Lagu Lafo Gurey Kulankaasi  Oo Saacado Badan Qaatey Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Waxay Ahmiyad Weyn Siinaysa Kor U Qaadida Awooda ,Garaadka Iyo Aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaasi Waxayna Wasaaradu Xidhiidh Wada Shaqayneed La Yeelanaysaa Komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa  Jamhuuriyada Somaliland ‘ Ayaa Lagu Yidhi Qoraal Kooban Aan Kasoo Xigtey Bayjka Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland .

Waxa Kale Oo Qoraalka Lagu Yidhi “

Maadama Shaqaaluhu Yahay Rukumada Ay Wasaarada Xidhiidhka Goleyaashu Ku Dhaqaaqayso Isla Markaana Ay Shaqaaluhu Yihiin Kuwa Hanka Iyo Hiigsiga Wasaarada Udejisan Ka Midho Dhalin Kara Waxa Wasaaradu Shaqaalaha Ka Dhisaysaa :-

▪Aqoonta Maamul Wanaagga,
▪Xirfadda Hab Qoraalka Tolmoon,
▪Habka Xidhiidh Samaanta Iyo Xog Wadaagga,
▪Nidaamka Wada Shaqeynta,
▪ Hannaanka Shaqo Wanaagga,
▪ Joogteynta Hawl-Fulinta Iyo Xaadirsanaanta,
▪Diyaarinta War Bixinaha Billaha, Saddex Billoodlaha Iyo Sannadlaha Ah,
▪ Iwm.

Allaa Mahad Leh,

Xigasho : Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dasturka Somaliland .

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

 

Image may contain: 4 people, people sitting

 

 

COMMENTS
Latest News