18MayNews.com
Maamulka Puntland Oo Daan Daansi Coladeed Ka Bilaabey Degaano Ka Tirsan   Bariga Gobolka Sanaag + Masuul Somaliland Xil Muhiima Ka Haya Oo Maamulka Puntland Xabsiga Dhigeen [Muqaal]
September 11, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Maamulka Puntland Oo Daan Daansi Coladeed Ka Bilaabey Degaano Ka Tirsan   Bariga Gobolka Sanaag + Masuul Somaliland Xil Muhiima Ka Haya Oo Maamulka Puntland Xabsiga Dhigeen [Muqaal]

 

 

Maamulka Xasarada Badan Ee Puntland Ayaa Gudaha Dhigey Badhasaab Ku Xigeenkii Gobolka Badhan Ee Somaliland Mr Cabdiraxmaan Maxamed .

Ilaa Hada Ma Cada Sababta Maamulka Puntland Ay Uxidheen Masuulkaa Xilka Ka Haya Xukuumada Somaliland .

Qaar Ka Mida Dadka Degaanada Bariga Gobolka Gaar Ahaan Degaanada Kulaalaya Xuduuda Somaliland Iyo Puntland Oo Shebekada Wararka 18maynews.Com La Xidhiidhay Waxay Shebekada Wararka 18maynews.Com U Xaqiijiyeen In Degaanadaa  Maamulka Puntland Ee Somaliya Ay Ka Wadaan Talaabooyin Hor Leh Oo Lagu Waxyeelaynayo Amaanka Iyo Xasiloonida Degaanadaas ,Waxana Dadka Degaanadaasi Intaa Ku Dareen In Maamulka Puntland Ay Xoog Iyo Juujuub  Doonayaan Inay Ku Maamulaan Degaanadaasi Oo Dadka Degan Ay Yihiin Somalilander .

Dhinaca  Kale Taliyaha Saldhiga Saddexad Ee Ciidamada Qaranka Gobolka Sanaag Iyo Ciidamo Uu Hogaaminayo  Ayaa Maanta Gelinkii Danbe Gaadhey Degaano Ka Tirsan Bariga Fog Ee Gobolka Sanaag .

Waxana Taliyuhu Booqdey Fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Aagaga Gobolka Sanaag Isagoona Taliyuhu Ciidamada Ku Amaaney Doorka Muuqda Ee Ay Ku Leeyihiin Ilaalinta Amaanka Iyo Xasiloonida Qarankooda Somaliland .

Waxa Xusideeda Mudan Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Fadhigoodu Yahay Degaanka Carmale Oo Warbaahinta La Hadley Ayaa Ku Khudbadeeyay Hadal Ladh Iyo Dacar Ku Kiciyey Maamulka Xasarada Badan Ee Puntland Waxana Sarkaalka Oo Ciidamada La Hadlaya Uu Luqada Ingiriisida Ku yidhi “Waanu Joogaynaa Degaanadayada Hadii Aanu Nolol Ku Joogi Wayno Dhimasho Ayaanu Ku Joogaynaa Anagoo Somalilander Ah  “ .Ayuu Yidhi Sarkaalka Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Fadhigoodu Yahay Degaanka Carmale Ee Gobolka Sanaag .

 

Kala Soco 18maynews.Com Wixii Warar Kasoo Kordha .

Soosaarid  : 18maynews.Com

COMMENTS
Latest News