18MayNews.com
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Ka Hadley Khilaafka U Dhexeeya Wasaarada Waxbarashada Somaliland Iyo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay [Akhri]
September 15, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Ka Hadley Khilaafka U Dhexeeya Wasaarada Waxbarashada Somaliland Iyo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay [Akhri]

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Ka Hadlay Munaasibadii Qalin Jebinta Dufcadii 9 Aad Ee Ka Baxda Jaamacada Burco  Ayaa Soo Hadal Qaadey Khilaafka U Dhexeeya Wasaarada Waxbarashada Somaliland Iyo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Waxana Madaxweynuhu Yidhi “ Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Waa Goobo Ganacsi Waxbarashadi Ayay Ganacsi Ka Dhigeen .

Madaxweynaha Oo Hadalkiisa Sii Wata  Ayaa Sheegay Inay Tayaynayaan Waxbarashada Dugsiyada Dawlada Oo Xukuumadiisu Ay 8% Ugu Talo Gashay Tayaynta Waxbarashada .

Hadalkan Madaxweynaha Somaliland Ayaa Kusoo Beegmaya Xili Maamulka Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ay Sabtidii Shalay Kulan La Qaateen Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland .

Khilaafkan U Dhexeeya Wasaarada Waxbarashada Somaliland Iyo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ayaa Cirka Isku Shareeraya Marba Marka Kasii Danbaysa Waxana Maamulka Dusgsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ay Ku Doodayaan Inaanay Hor Fadhiisan Doonin Cid Ka Hoosaysa Wasiirka Waxbarashada  Somaliland Iyo Ku Xigeenkiisa Si Khilaafkaas Loosoo Af  Jaro .

 

Halka Wasiirka Waxbarashada Somaliland  Uu Maamulka Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ku Amrey Inay Wixii Tabasho Ah Kala Hadlaan Madax Waaxeedyada Wasaaradaas U Qabilsan Arimaha La Isku Maan Dhaafsan Yahay .

 

Source : 18maynews

 

 

COMMENTS
Latest News