18MayNews.com
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Ay La Qaateen Wefti Ka Socotay Baanka Aduunka [Faah Faahin]
September 16, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Ay La Qaateen Wefti Ka Socotay Baanka Aduunka [Faah Faahin]

Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada mudane farhan aadan haybe ayaa si kooban uga warbixiyay kulan ay layeesheen saraakiil sarsare oo kasocota baanka aduunka waxana gudoomiyaha oo faahfaahin kabixinaya kulankaasi yidhi sidatani
[Waxaan maanta xafiiskayga Kulan ku yeelanay Masuuliyiin sare oo ka socda Bangiga Aduunka xafiisyada Washington iyo Nairobi. Kulankaas oo aanu si qoto dheer ugu lafo guray Barnaamijka dibu habaynta Shaqaalaha iyo qorshaha sanadaha 2020 -2021. Arrimaha diirada lagu saaray waxaa ugu mudnaa qorshaha iyo dejinta istraatiijiyada, siyaasada iyo nidaamka kala saarista darajada Shaqaalaha Dawlada ( Developing pay & grading strategy, policy and procedures), abuurista habka maamulka iyo kaydinta xogta shaqaalaha ( Human Resources information systems for SL civil servants), hirgelinta qorshaha hawlgabka iyo ansixinta siyaasada lagu maamulayo ( Pension Management plans and approval of pension policy and bill) iyo Arrimo kale oo la xidhiidha sida ugu fiican ee loo tayayn karo tababarada la siiyo Shaqaalaha si loo dhiso aqoontooda la xidhiidha shaqada iyo masuuliyada ay qaranka u hayaan. waxaan halkan ugu mahad celinayaa xubnaha mashruuca maamula, agaasime waaxeedyada Hay’adda Shaqaalaha iyo Agaasime waaxeedyada cudduda Shaqaalaha ee wasaaradaha Maaliyada iyo Qorshaynta oo qayb ka ahaa kulamadii shaqo ee xubnaha waftiga la yeesheen.]

COMMENTS
Latest News