18MayNews.com
War Deg Dega:Qarax Goor Dhawyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho[Faah Faahin]
September 18, 2019 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

War Deg Dega:Qarax Goor Dhawyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho[Faah Faahin]
Gaari ayaa ku qarxay waddada hal-bowlaha ah ee Maka Al-mukarama, xilli ay halkaa ka socotay xaflad daahfur xarun cusub oo ganacsi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa gaari uu u muuqday mid lagu soo xiray gaariga,iyada oo halka uu ka dhacay ee isgoyska Xaaji Baasto ay gaareen gaadiidka gurmadka deg degga ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxa. Sidoo kale ciddi ma sheegan mas’uuliyadiisa.

Waddada uu qaraxa ka dhacay ee Maka Al-mukarama goobaha ugu mashqulka badan ee caasimadda Muqdisho. Balse qaraxaan ayaa ku soo aaddaya xilli guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir uu ballanqaaday in maamulkiisa uu muhiimadda koowaad siinayo ammaanka.

Hiiraan Online

COMMENTS
Latest News