18MayNews.com
Maxaa Ka Jira In Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wasaarada Cafimaadka Somaliland Iyo Haayada UN”Qalinkii Dr Nimcaan M Mouse”
October 1, 2019 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Maxaa Ka Jira In Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wasaarada Cafimaadka Somaliland Iyo Haayada UN”Qalinkii Dr Nimcaan M Mouse”
Khilaaf ka dhex aloosan wasarada hormarinta caafimaadka somaliland & haayada UN kana dhashey talaalka somaliland laga fulin jirey, Wasaarada hormarinta caafimaadka somaliland waxay taagan tahey lacagta hala noo dhiibo ama caruurta reer somaliland la talaali maayo.

Ilo ku dhawdhaw una dhuun daloola wasarada caafimadka somaliland & Hayaadaha UN ta sida WHO & UNICEF ayaa waxay xaqiijiyeen iney ishayaan wasarada caafimaadka iyo haayadahaasi iskuna hayaan hab talaalada somaliland looga fuulinayo,

Haayadaha taageera wasarada hormarinta caafimadka somaliland waxay tagan yihiin kuna doodayaan iney iney hal ama laba olale talaal (campaign) qabtaan talaalkaasi la koobnaado dhamaan cudurada la iska talaalo, sida, jadeecada, qixida, polio,

Halka Wasaarada hormarinta caafimaadka somaliland waxay ku doodeysaa in iyada lacagta lagu soo shubo #account ka wasaarada lacag loogu talo galey talaalkaas, talaalkana lakala qaadqaado mar jadeecada la talaalo, hadana dib loo soo daayo dhaqaalaha qixida, hadana marka la soo daayo dhaqaalaha dabeysha loogu talo galey, sidaas qurshuhu ku socdo hadeyna haayaduhu sidaas yeelin somaliland wax talaala oo laga qabanayaa ma jiro.

Hadaba hadaan is weydiino keeba haboon? jawaabtu waxay noqoneysaa waxa haboon bulshada ufiican talaalka isku jirka waayo hooyada ilmaha talaaleysaa ma jeclo ilmaheega in bilwalba irbad lagu muddo, marlabaad dhaqaalaha ayaa madhxaya, hal dhaqaale ama hal campaign ayaa looga faaideysaneyaa, mar sadexaad hal mar hooyada ama aabuhu waa haleeli karaa lakin dhawr wakhti oo kala duwan haleelka ayaa yaranaya, ama waaba iska ilaabeysaa waalidka la halgamaya qawtul daruuriga nolasha ,

Xaalada dunida kale wakhtigan la barbar dhigo waxa aan soona baadhey #websites galey dhawr wadan africa ku yaala iyo kuwa dunida kale ku yaala waxaan ogaadey sanadka 2019 dunida wadamo badan kamida ka jiro xanuunka jadeecadu kana qaraxdey xanuunka jadeecadu (Measles,) dhamaan wadamadaas na waxay kaga hortageen talaalka isku dhafan, oo hal mar laga qabtey wadama dooda.

Dowlad gobleed yada somaliya ee dhaqaale raadiska ayaa qaabkaas ula dhaqma haayadaha UN ka taageera caafimaadka, kuna war galiya haayadaha UN ta ilaa lacagta account wasaarada caafimaadka maamul gobaleedyada lagu shubo inaan laga qaban karin talaal deegaanada ay ka taliyaan, Marka dhaqaalaha lagu shubana xogaa seminars & talaal maalmo koban ku qabtaan dhaqaalaha badi si kale gaara uga faaideysta Hadadana waa xaalad ka taagan #Puntland sida uu ii xaqiijiyey mid ka mida baahda caafimaadka puntland, waxa ay is weydiintu tahey goorta ay somaliland iyo puntland isku mawqifnoqdeen una wada heshiiyeen yaadaha #WHO.

Sida oo kale Mid kamida khuburada caafimaadka somaliland ayaa iga sheekey mar ay tano kale ka dhacdey somaliland wakhtiga Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal, madaxwaynaha la somaliland, deedna marka uu gaadhey warkaasi madaxweyne Cigaal waxa uu uyeedhey wasiirka caafimaadka wakhtigaas waxa u sheegey inaan haayad lala hadli karin hal dooran ha inoo sidaan waayo waxa waa deeq, waxay somaliland ahaan xaq ugu lee nahey inaan ka faaideysanayo.

Hadeerto marka loo fiirsado sidey wax usocdaan wasarada hormarinta caafimadka somaliland waxaa modaa iney dhaqaale inta badan ka hadasho lkn shaqada bulshada reer somaliland loo qabanayo ay ku jeedin waxa cadeyn u ah arinta hada taagan ee ah ilaa dhaqaalaha lagu soo wareejiyo wasarada hormarinta caafimadka somaliland inaan shaqo talaal laga qaban karin somaliland .

Sida oo kale Wasaarada hormarinta caafimadka somaliland ma sameyn jawi xasilan oo isla xisaabtan leh laguna aamini karo dhaqaalaha lagu shubo wasarada caafimaadka somaliland, waayo dhawr dhacdo mudooyin ka u dambeyey aan idinla soo wadaagey waxay ku tusayaan musuqmaasuq wasarada ka jira sida Mashruuc QIZ ee 60 kun dollar ahaaa muddada 14 maalmood lagu faaruqyey inta wada seminars laga dhigey & dhawr dhacdo oo kale iyana raadad xun oo musuqmaasuq ku yeeshey wasarada hormarinta caafimadka somaliland.

Somali Activist
Nouman M Muse

COMMENTS
Latest News