18MayNews.com
Xaalada Guud Ee MCH Ka Magaalada Balliddhiig+Moogaanaanta Wasaarada Caafimaadka Somaliland[Sawiro]
October 2, 2019 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Xaalada Guud Ee MCH Ka Magaalada Balliddhiig+Moogaanaanta Wasaarada Caafimaadka Somaliland[Sawiro]

Balidhig_MCH Sawirada halka hoose idinka muuqdaa waa Balidhig MCH,

mudo sanad ku dhaw aad bey uliidataa xaalada dhismaha xarunta caafimaadka dagmada Balidhig,

Muddo ka hor waxa dagey gabi ahaantiiba suuliga Balidhig MCH,

sida oo kale waxa dumey deyrka Balidhig MCH, ilaa hadana dayac tir mahelin cidna ma hadal heyso.

Hada waxay u dhawdahey xanuuno laga qaado waayo hooyada ku umushaa suuli ay isticmaasho ma heysto,

shaqaalaha goobta jooga iyana ma heystaan suuli ay isticmalaan wakhtiyada shaqada,

sida oo kale dad iyo duunyo waxay halis loogu jiraa dhismaha inta hadhey iney ku dunto khasaare kaweyna ka dhasho.

Dhismaha xaruntan caafimaadka waxa dhistey dawlada siyaad bare qiyaastii 197..

sida ay ilaa wadegen Bulshada degaanka, Inta aan siyaad Bare ka dhaxalney inaga duntey maxaa inoo nafa Bulshada reer soomaliland & bulshada ka soo jeeda degaanka Balidhig waxa aan lee nahey cidna uma maqna ceelna uma qodna, haloo gurmado xarunta caafimaadka Balidhig MCH.

Waa sawiro aan ka soo qaadey safar keyga ugu danbeyey ku tagey dagmada Balidhig May 2019, waxa la ii xaqiijiyey ilaa hada inaan waxba laga qaban.

Somali Activist Nouman M Muse

COMMENTS
Latest News