18MayNews.com
Gaadiidkii Dawlada Ee Ka Hawl Gali Jiray Hospitalka Gabilay Oo Si Gara Loo Adeegsado[Qalinkii Dr Nouman]
October 7, 2019 - Written by admin

Gaadiidkii Dawlada Ee Ka Hawl Gali Jiray Hospitalka Gabilay Oo Si Gara Loo Adeegsado[Qalinkii Dr Nouman]
Gaadiidka dawlada ee hospitalka gabiley oo Dano gaara looga faaideysto lagana ganacsado. Sida oo kale laga muquurtey diwaan galinta gaadiidka dawlada. Ee ay wadey wasarada hormarinta jidadka & gaadidka dawlada.

Hawlaha arlada hadii lagu gu aamino,
Shaqeeyo & adeegaa laga dhigo,
Ha is odhan cidi kuma arkeysee ehelo keenso,
Ha is odhan cidi kuma arkeyso ilo adeegso
Ha is odhan cidi kuma arkeyso guryo dhiso

Gaadiidka halka hoose idinka muuqata waxa leh hospitalka gabiley, mid ka mida waxa la soo iibiyey 2015, waxana soo iibiyey maamulka hore hospital gabiley gaar ahaan gabadha loo magaceedu yahey Drs deka oo bulshada reergabiley iyo galbeedka somaliland si wacan u wadagaranayaan. Lacagta soo iibinta marka ay bixisey ayey drs deka shaqada ka tagtey Nooha maalmo kanbacdi xilka tagista deeka ayey dalka soo gaadhey. Agasimaha hospital gabiley waxa nasiib uyeshey inuu gadhiga cusub iyo shaqada oo ku cusub yahey mar wada bilaabo. Plate number ka gaadhiga hore 65286 ayuu ahaa sawirkiisu waa ka halka hoose idinka muuqda ku dhajisan yahey stiikarka hospitalka gabiley.

Wakhtiga xilka la wareegey madaxweyne muuse biixi abdi waxey ku dhawaaqdey iney gaadiidka dawlada lagu xidho taarikada dawlada ee (greenka) gaar ahaan wasarada gaadidka iyo jidadka somaliland, waxaana iclaamiyey Cabdilaahi abokor wasiirka hormarinta jiidadka iyo gaadiidka, hawshaas wasarada gaadidku wadey gaar ahaan gobalka gabiley ka wadey gaadhiga Noohada ah waa la qariyey, mid ka mida deyrarka waa weyn ee magaalada gabiley ayaa lagu dhex qarinayey iyada shaqalaaha caafimaadka iyo asxabta ku dhawdhaw agaasimaha hospital gabiley loo shegey iney cilad gashey. Mudo ka bacdina laga soo saarey, marka ay wasaarada gaadiidka shaqadeeda gobalka dhameysatey.

Mudo ka hor mar uu maamulka hospitalka gabiley laba guri oo hargeysa ka dhistey mid ka mida wadey ayuu iibiyey noohadaas kuna dhameystirey guriga sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogagaala u dhuun daloola agaasimaha hospital gabiley, waxana laga iibiyey gaadhigas hore shirkada dhismaha #meecaad_construction_company.

iibinta noohada loona iibiyey dano shaqsina loo iibiyey waxa ka dhashey suaalo badan, taas ay is weydiyey shaqaalaha caafimaadka & bulshada reer gabiley. Akhirka waxa toos loola ula xidhiidhey haldoor ka gobalka gabiley iyo qaar ka mida xildhibaanada golaha degaanka gabiley, agaasimaha guud wasarada hormarinta caafimaadka somaliland, marka uu ogaadey iney arinka iibinta noohada ay ogaadhey bulshada & masuuliyinta wasaarada ayaa waxa uu ku doodey inuu gaadhi kale ku badelayo, isla maalinta uu agaasimaha guud wax ka soo weydiyey ayaa la soo iibiyey noohada cusub waxa laga soo iibiyey Macrada Baabuur magaalada Hargeysa, bisha June 2019, toban kii habeenimo ayaa hargeysa laga soo ka xeyeyey 11 toban kii habeenimo ayaa la keeney magaalada Gabiley.

Noohada waxa ku mushaar qaata kana ah dirawalinta hore, wadi jirey umbalance yada mid ka mida oo fadhiistey, dirawalka ku qoran waligiii ma ka xeyn waxaana isaga oo dirawal laga dhigey watchman, kana mida washmaanada kale ee hospitalka gabiley ka shaqeeya. Hada garo waa dirawal ku mushaar qaata dirawalnimo noohada, sida oo kale Gaadhigan waxa si #personal u adeegsada agaasimaha hospital gabiley iyo qoskiisa, haabeen iyo maalinba. Waxana shidaalkisa iyo dayac dirkiisa laga dalacaa hospitalka gabiley.

Gaadhiga uu ku soo badaley waa noohada halkan hoose idiinka muuqda waxa leh hospitalka gabiley, Wax cadeynaya inuu hospitalka gabiley lee yahey ma jirto, sida idiin muuqata plate number ka noohada waa mid shacab oo midabkacadaanka leh, sida oo kale, buuga lahaan shaha waxa ku qoran inuu lee yahey agaasimaha l gabiley. Sida ay shaqaalaha hospitalka gabiley inoo cadeeyeen iyo asxaabta ku dhawdhaw agaasimaha hospital gabiley. Soo badalida gaadhigan lama xayeysiin, gudida qandaraas yadana lama soo Marin, wasarada dhexe hormarinta caafimadka somaliland ma ogeyn, lalamana socodsiin.

Suaashu waxay tahey sharcigee ayaa u fasaxaya agaasimaha hospital ka gabiley inuu gaadhi dawlada leedahey iibiyo sida oo kale gaadhi kale ku soo badalo?

Suaasha labaad waxa weeyi sharcigee ayaa u ogalaanaya gaadiidka dawladu leedahey inuu shaqsi isku qoro? Sida oo kale sharcigee ayaa u ogaanaya in gaadiidka inta number ka shacab loo sameysto loo wato dan gaara haaben iyo maalin loogu adeego qoyska agaasimaha hospital gabiley?

Xukuumada hore somaliland wakhtiyada doorashada iyo kala guurka ayaa suuqa madaw lagu iibin jirey iyada taarikada laga badelayo gaadiidka dawlada, lakin madaxweyne Muse biixi Abdi isaga oon laba sano u dhamaan ayey bilaaban tahey waxa aan garan laa yahey waxa aan la gaadhi doono doorasha iyo xili kala guur hada ayaa duhur cad hantida umada ka dhaxeysey la xaraashayaa?

Somali activist
Nouman M Muse

 

COMMENTS
Latest News