18MayNews.com
Weftidii Ka Socotay Baarlamanka Somaliland Ee Dhowaan Safarka Shaqo Ku Tagtay Yugaandha Oo Ku Guulaystay In Shirkada Uganda Airline Ay Dulimaadyo Toos Ah Ka Bilowdo Somaliland [Faah Faahin]
October 8, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Weftidii Ka Socotay Baarlamanka Somaliland Ee Dhowaan Safarka Shaqo Ku Tagtay Yugaandha Oo Ku Guulaystay In Shirkada Uganda Airline Ay Dulimaadyo Toos Ah Ka Bilowdo Somaliland [Faah Faahin]

 

 

Shirkada Dulimaadyada Ee Uganda Airline Ayaa Markii Ugu Horeysey Shaacisay Inay Dulimaadyo Toos Ah Ka Bilaabi Doonto Somaliland .

Gudoomiyaha Gudida Dulimaadyada Wadanka Yugaandha Mr Perez Godfrey Ahabwe Oo Waraysi Kooban Siiyey Wargayska Lagu Magcaabo Nile Post Oo Ka Faalooda Arimaha Ganacsiga Iyo Maalgashiga Ayaa Yidhi “

“Koritaankayaga Iyo Guusha Aan  Gaadhnay Diyaarad Ahaan Waxay Sahlaysaa Kobcinta Iyo Guusha Dalkeena Yugaandha  Iyada Oo Loo Marayo Dhiirrigelinta Warshadeynta Dalxiiskeena Iyo Dhisidda Cilaaqaadka Ka Dhexeeya Uganda Iyo Waddamada Kale.

Isku Soo Wada Duubo Talaabadan Ay Shirkada Dulimaadyada Uganda Airline Ay Dulimaadka Tooska Ah Uga Bilaabi Doonto Somaliland Ayaa Daba Socota Safar Ay Dhowaan Wadanka Yugaandha Ku Tageen  Wefti Culus Oo Ka Socotay Baarlamanka Somaliland Isla Markaana Kulamo Gooni Gooni La Qaatey Madaxda Ugu Saraysa Wadanka Yugaandha Iyagoona Weftida Somaliland Ka Socota Ay Madaxda Yugaandha U Sharaxeen Nabada Iyo Xasiloonida Qaangaadhka Ah Ee Ka Jirta Somaliland .

 

” Talaabadan Ayaa Noqonaysa Mid Guul U Ah Wadamada Bariga Afrika Mana Noqonayso Fursad Ay Somaliland Kaliya Ka Faa’ido Wefti Ahaana Aad Baanu Ugu Faraxsanahay Duulimaadyada Ay Diyaarada Uganda Airline Ka Bilaabayso Somaliland “ Ayuu  Hadalkiisa Kusoo Koobay Af Hayeen U Hadley Weftidii Ka Socotay Baarlamanka Somaliland Ee Uganda  Kaga Qayb Galay Shirkii  Common Wealth Confrence.”

 

 

 

             Linkigan  Hoose Riix Si Aad U Akhrisato Warkan Oo Faah Faahsan 

 

Uganda Airlines to add nine new routes

COMMENTS
Latest News