18MayNews.com
Khilaaf Culus Oo Mar Kale Ka Dhex Qarxay Somaliya Iyo Kiiniya [War Hadda Soo Dhacay]
October 10, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Khilaaf Culus Oo Mar Kale Ka Dhex Qarxay Somaliya Iyo Kiiniya [War Hadda Soo Dhacay]

 

Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibeda Xukuumada Villa Somaliya Ayaa Maanta Xarunta Wasaarada Arimaha Dibeda Somaliya Ugu Yeedhay Safiirka Wadanka Kiiniya U Fadhiya Somaliya L.T  Lucas

Waxana safiirka Kiiniya  Loo Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Diyaarad Laga Leeyahay Wadanka Kiiniya Oo 5 Tii October Siyaasiyiin Iyo Madax Dhaqmeed Geysey Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Juba Land .

 

Kulanka Oo Saacado Badan Qaatey Kadib Safiirka Kiiniya U Fadhiya Somaliya Wax Jawaab Ah Kama Bixin Dacwada Balse Dawlada Somaliya Ayaa  Ku Celcelisay” Dowladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya, Waxay Ficilkan U Aragtaa Mid Burinaya Mabaadi’ida Deris Wanaagga Iyo Faro-Gelin La’aanta Arrimaha Gudaha Ee Dalalka Kale.”

COMMENTS
Latest News