18MayNews.com
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mr Baashe Maxamed Faarax Oo Dhanbaal Hanbalyo Ah U Direy Raysal Wasaaraha Wadanka Itoobiya .
October 11, 2019 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mr Baashe Maxamed Faarax Oo Dhanbaal Hanbalyo Ah U Direy Raysal Wasaaraha Wadanka Itoobiya .

 

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mr Baashe Maxamed Faarax Ayaa Dhanbaal Hanbalyo Ah U Direy Raysal Wasaaraha Wadanka Itoobiya Dr Abiy Axmed Kadib Markii Raysal Wasaaraha Wadanka Itoobiya Uu Maanta Ku Guulaystay Bilada Nabada Ee Dunida (Nople Peace Award)

“ Abiy Axmed Raysal Wasaaraha Wadanka Itoobiya Intii Uu Xilka Hayey Adkaynta Nabad Gelyada Iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika Door Muuqda Ayuu Ka Ciyaarey Wuxuuna Ku Guulaystay Inuu Soo Af Jaro Colaadihii Dabada Dheeraaday Ee U Dhexeeyay Itoobiya Iyo Eritariya Oo Hadii Ay Sii Socon Lahayeen Geeska Afrika Oodhan Saamayn Ku Yeelan Lahaa “ Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax

 

COMMENTS
Latest News