18MayNews.com
Suldaan Siciid Yuusuf Xaji Ducaale Oo Ku Dhawaaqay Shir Ay Qabsan Doonaan Beelaha Habarjeclo Bari[Faah Faahin]
November 30, 2019 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Suldaan Siciid Yuusuf Xaji Ducaale Oo Ku Dhawaaqay Shir Ay Qabsan Doonaan Beelaha Habarjeclo Bari[Faah Faahin]
Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale Oo Kamida Madaxdhaqameedka Somaliland Ayaa Galabta Warbaahinta kula Hadlay Deegaanka Laasgalool Oo Ku Yaala Gobolka Sanaag Degaankaaso Maalmo Ka Hor Lagusoo Gabagabeeyay Shirka ”Ururshe’ Oo Ay Qabsadeen Mid Kamida Beelaha Dega Gobolkaasi Sanaag
Waxana Uu Suldaanku Shaaca Ka Qaaday Inay Qaban Doonaan Wajigii Labaad Ee Shirka Ururshe Two[2]

Suldaanka Ayaa Sheegay In Shirka Ururshe Two[2] Ay Isugu Iman Doonaan Beelaha Habarjeclo Bari Isla Markaasina Ay Gogosha Shirkaasi Ay Dhigi Doonto Beeshii Hore Uqabsatay Shirkii Ururshe ONE[1][Axmed Faarax Biciide]

Suldaanka Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Sheegay In Shirkaasi Laqaban Doono 1/1/2020
Muuqaalka Warkani Oo Dhamaystiran Lasoco Saacadaha Soo Socda
By Suxufi Nuradin Shimbir

 

COMMENTS
Latest News