18MayNews.com
Wafti Culus Oo Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Oo Gaadhay Magaalada Boorama.[Faah Faahin]
January 8, 2020 - Written by admin

Hargeisa (18may-news)

Wafti Culus  Oo Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Oo  Gaadhay Magaalada Boorama.[Faah Faahin]

 

Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Iyo Dawladaha Taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee (Sdf) Ayaa Gaadhay Magaalada Boorama.

Waxaana Waftigan Qeyb Ka Ahaa Wafti Ka Socda Wadamada Somaliland Ka Taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee Loo Soo Gaabiyo (Sdf) Oo Uu Ka Mid Ahaa Wakiilka Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Iyo Masuuliyiin Kale Oo Tiro Badan.

Waftigan Waxay Kormeer Ku Tageen Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalada Boorama Iyo Halkay Wax Marayaan Waxaan Xog Ka Siiyay Waftiga Isu-Duwaha Wasaarada Horumarinta Biyaha Waxaanu Ku Dheeraaday Mashruucan Iyo Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray.

Odayaal Iyo Waxgarad Halkaasi Ka Hadley Waxay Iska Daba Mareen Muhiimadda Biyu U Leeyihiin Noolaha Waxayna Soo Dhaweeyeen Mashuuraca Biyo Balaadhinta Boorama.

Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Ka Socda Sanduuqa Horumarinta Ee (Sdf) Waxa Uu Tibaaxay In Boorama Nasiib U Yeelatay In Loo Fuliyo Mashruucan Aadka U Baaladhan Qiimaha Weyna Ugu Fadhiya Waxaanu Sheegay Inay Reer Boorama Ka Faa’idaystaan Biyahaa Baradoodii Ugu Yimid.

Shirkadda Ku Guuleysta Biyo Balaadhinta Boorama Oo Uu U Hadley Eng Ka Socday Shirkadaasi Waxa Uu Sheegay Inay Mudo Yar Ku Dhamayn Doonaan Mashruucan Sida Oo Kale Tayo Ahaana Ay Wanaajin Doonaan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Horumarinta Biyaha Mudane Maxamed Yuusuf Oo Hadalka Qaatay Wuxuu Si Weyn Ugu Maqahad Naqay Sidii Gobanimadda Lahayd Ee Ay U Soo Dhaweeyeen Shacabka Reer Boorama Iyo Masuuliyiinta Heer Gobal Iyo Heer Degmo.

Sida Oo Kale Waxa Uu Intaa Raaciyay ” In Ka Wasaarad Ahaan Ay Ku Faraxsanyihiin In Boorama Iyo Magaalooyinka Somaliland Ay Helaan Biyo Balaadhin Sida Oo Kalena Kana Go’anahay Siday Shacabka Somaliland U Helilahaayeen Biyo Nadiifa, Waxaanu Intaa Raacinayaa In Sanduuqa Sdf Iyo Wadadama Somaliland Ka Taageera Mashruucan Oo Ay Maanta Goob Joog Ka Ahaadaan Shaqada La Qabanayo Ee Socota Iyo Wafti Ka Yimid Dalka Ingiriiska Si Ay U Arkaan Halkay Wax Marayaan Iyo Wixii La Qabtay”

Ugu Danbayntii Waftigu Waxay Kormeereen Goobaha Ay Mashaaricdani Ka Socdaan Iyaga Oo Goob Goob U Dul Istaagay.

Waaxda Warfaafinta
Wasaarada H.Biyaha

 

COMMENTS
Latest News