18MayNews.com
Guud ahaan gobolka sanaag Bariido san , Baaq Nabad Galyo Degmada Ceerigabo, Golaha degaanka ceel-afwayna waan Baarigayaa, Dowlada dhexena Waa u Baraarujin[Akhri]
January 19, 2020 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Guud ahaan gobolka sanaag Bariido san ,
Baaq Nabad Galyo Degmada Ceerigabo, Golaha degaanka ceel-afwayna waan Baarigayaa, Dowlada dhexena Waa u Baraarujin ___________________________________________

Bariido san dhamaan bulsho waynta gobolka sanaag , waxa ii tahay in aan ku faano barbilowga nabadeed ee ceel-afwayn ku naaloonay ilahay waxan ka baryayaa in uu wax ku kordha mooyaane aan nusqaani ku iman ilahay waxaan ka baryayaa in uu nabaadiino xiodh uga dhigo ducada iyo dareenada san ee bulshadaydii ku nayaayiroonay ilahay waxan ka baryayaa in uu quluubta hilowga iyo hamuunta gacaltooyo ka muuqato in uu nagu nageeo qalbiyadeena na ka maydho rixin gowsnimadii iyo arxan dardii bulshadayda ragaadisay .

Baaq waxan u dirayaa bulshada degmada ceerigaabo eek u dagaalamay buuralayda , waxan ugu baaqayaa in ay nabada iyo wada noolanshaha aanay ku bedelan colaad iyo kala qax ,waxan ugu baaqayaa in aanay dib u noqosho u horseedin dadkooda iyo degaankooda ,
Wax garad ka deekaankaa waxan ugu baaqayaa in aanay eegan ee ay colaadahaa soo af jaraan in taanay fidin oo gaadhin meel halkaa ka sii fog sidoo kale waxan ugu baaqayaa dhamaan labeenta iyo wax garadka gobolka sanaag in ay arintaa samo iyo wanaag kaga qayb qaataan oo ka hor tagaan in taantaanay samaayn ku yeelan ,

Baarigaad iyo bogaadin bay mudan yihiiin golaha degaanka ceel-afwayn , waan dareensanahy in aanay gaadhin ama qaban wax lagu baarigo sidoo kale wali aanay buuxin kaalintii bulshadu xaq ugu lahayd lkn waxan arkayaa barbilow wanaagsan oo ku qotoma hogaamin iyo yididiilooyin lagu dhiiran karo , macnaha aan uga jeedaa maaha in aan u bogay kulan kooda oo kaliya lkn erayada ka soo yeedhay gudoomiyaha ee ah sii adkaynta amaanka iyo ka howl galida ardaayadda ay wali xoogaagu ku ka jiraan , sugida amniga iyo xalinta khilaafaaadka beelaha degaanka degan waxa kla masuul ah oo dowlada dhexe ua wakiil ah waa duqa degmada iyo golaha degaanka waxa ceel-afwayn halkaa dhigay waxay ahayd door kii ay ka maqnaayeen sidaa darteed hadii ilhay garan siiyay waan ku baarigayaa ilhay na wxan ka baryayaa in uu ku asturo bulshada aan ka mid ka ahayna waxan leeyahay aynu garbo istaagno oo gacan qabano oo la shaqayno,

Waxan ku Baraarujin lahaa dowlada dhere may dhadeen in uu socdo gaadhi aan lahayn tyaayiro iii ku socdo sidoo kale ma dhacdo in la arkaro tayada dowlada dhere Ilaa laga helo dowlado hoose oo tayaysan kala duwanaanshaha bari iyo galbeed maaha dhul kala qiimpo badan mana jirto beelo kala horumar jeceli waxa la hadhay sanaag/sool waa Hirdanka siyaasadeed eeka jira Dariska , waxa saameeyay waa dahaadhka iyo mala awaalka dowlada federalku ku doodaan waa (conflux Area ) , waxa adeegyada bulshada xilka saran yahay in ay maarayso dowlada dhexe waxaa in aan cod dheer ku sheego mudan In ay hal calan wadaagan degmooyinka somaliland ma jiro farqi u dhexeeya Boorame iyo Ceerigaabo sidoo kale ma jirto sabab ay u kala mudnaadaan Gabilay iyo Ceel-afwayn ,hadii deeqii caalamiga ahaa ay galbeed ku afgo”een waxa is waydiin leh meeday gacantii dowlad nimo waxan ku bararujinayaa dowlada dhxe in degmada colaaduhu saameeyeen hoos loo eego , waxan aamin sanahay in hadii la tayeeyo oo la dhiiri galiyo Golahaa degaanka degmad ay ku filan yihiin nabadaynta iyo soo a jaridii colaadaha soo noqnoqday , waxan leeyahay si gaara in xooga loo saaro kaabayaasha bulshada iyo dhiiirigakinta dhalinyaradii qoriga dhigtay

Allaa mahad leh

Ahmed Isdebar

COMMENTS
Latest News