18MayNews.com
Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Iyo Masuuliyiin Katirsan Isla Haayadaasi Oo Kulan Muhiima La Qaatay Maamulka Cisbitaalka Guud Ee Hargeisa[Faah Faahin]
January 26, 2020 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Iyo Masuuliyiin Katirsan Isla Haayadaasi Oo Kulan Muhiima La Qaatay Maamulka Cisbitaalka Guud Ee Hargeisa[Faah Faahin]

Gudoomiyaha Haayada Shaqalaaha Dawlada Somaliland Mudane Farxaan Aadan Haybe Oo Ay Wahelinayaan Qaar Kamida Masuuliynta Hayadaasi Ayaa Maanta Kulan Muhiima  La Qaatay Maamulka Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargaysa Oo Uu  Hormuud Uyahay Agaasimaha “Hargeisa Group Hospital”  Dr Yaasiin Carab Isla Markaasina Ay Kamid Ahaayeen Madaxa Maamulka Iyo Maaliyada Iyo Madaxa Kalkaalisooyinka Caafimaadka.

Kulankani Oo Muddo Saacado Ah Qaatay Ayaa Lagu Lafo Guray Qodobo Muhiima:-

Waakan Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Si Kooban Uga Xogagaal Bixinaya Nuxurka Guud Ee Kulankaasi

”Ujeedada Kulankani  Iyo Kuwa Is Dabajoog Ah Oo Ka Danbeeya Ayaa Ah   Sidii Dibu Qaabayn Iyo Tayn Loogu Samayn Lahaa Adeegyada Cisbitaalka Iyo Sidii Loo Joogtayn Lahaa Kor Uqaadista  Shaqaalaha Xilligani Gacanta Kuhaya Shaqada Cisbitaalka Isla Markaasina Wax Wayn Looga Badali Lahaa.

Ka Haayad Shaqaale Ahaan Waa Waajib Na Saaran In Aanu Ogaano,Qiimayno Oo Dabagalo Tayada Shaqada Iyo Shaqaalaha Ee Goobaha Adeegyada Bulshada.

Waxaynu Gacmaha Isu Qabsanaynaa Ukhidmaynta Bulshadeena Sida Ugu Fiican Ee Loogu Adeegi Karo Tanina Dedaalkaas Ayuunbay Qayb Ka Tahay Ee Alle Haynagu Garab Galo Dhamaanteen.

COMMENTS
Latest News