18MayNews.com
Shirkii Madaxda Afrika Oo  Addis Ababa Ka Furmey Iyo Wefti Culus Oo Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayo Oo Addis Ababa Gaadhey [Faah Faahin]
February 9, 2020 - Written by Nour Moh

Hargeisa (18MAY-NEWS)

Shirkii Madaxda Afrika Oo  Addis Ababa Ka Furmey Iyo Wefti Culus Oo Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayo Oo Addis Ababa Gaadhey [Faah Faahin]

 

 

Waxa Maanta  Magaalada Addis Ababa Ee Caasimada Wadanka Itoobiya Si Toosa Uga Furmey Shirkii 33 Aad Ee Ay Isugu Yimaadaan Madaxda Wadamada Afrika .

Waxana Hal Ku Dheg Sanadkan  Looga Dhigey Shirka Soo Af Jarida Colaadaha Wadamada Afrika .

Shirkan Oo Maalinta Beri Soo Xidhmi Doona Waxa Kasoo Qayb Galay Madaxda Wadamada Afrika .

Waxa Xusid Mudan In Ay Galabta Gaadheen Caasimada Wadanka Itoobiya Ee Addis Ababa Wefti Culus Oo Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey ayaa si balaadhan loogu Soo dhaweeyey dalka Itoobiya.

Waxaana weftiga halkaasi ku Soo dhaweeyey wasiirudawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha.

Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi.

 

Dadka Falanqeeya  Arimaha Afrika Ayaa Iyagu Safarka Weftida Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayo Ay Ku Tageen Addis Ababa Ku Fasiray In Looga Maarmi Waayey Shir Madaxeedka Madaxda Afrika Maadama Bay Yidhaahdeen Ay Somaliland Khibrad Xeel Dheer U Leedahay Sida Loo Abuuro Nabad Waarta Iyo Xasilooni .

 

Soosaarid  : 18maynews

COMMENTS
Latest News