18MayNews.com
Agasimaha Guud Ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Oo Tobabar Usoo Xidhay Qaar Kamid Ah Shaqaalaha Wasaaradaasi [Sawiro]
February 12, 2020 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Agasimaha Guud Ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arrimaha Dastuurka  Oo Tobabar Usoo Xidhay Qaar Kamid Ah Shaqaalaha Wasaaradaasi [Sawiro]

Agasimaha Guud Ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamaal Cabdi Muuse Oo Tobabar Usoo Xidhay Maanta Qaar Kamid Ah Shaqaale Wasaarada

Kordhinta Aqoonta shaqaaluhu waa halbowlaha iyo laf-dhabarta geeddi-socodka togan ee hawl-socodsiinta maalinlaha ah ee goobaha shaqo. Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL oo ka duuleysa kobcinta xirfadda aqooneed ee shaqaalaha ayaa maanta fulisay tababar ku saabsan tolmoonaanta iyo fahanka culuumta xogheynnimada. Iyada oo diiradda la saarayo:
▪Fahanka Iyo Garashada Xogheynnimada,
▪ Ahmiyadda Mas’uuliyiinta Iyo Waajibaadyada Shaqo Ee Xogheynnimada “Importance, Powers and Main duties of Secretory”,
▪Hubinta Qabashada Kulamada Shirarka, Isku Dubbaridka iyo kaydinta Xogaha “Ensuring meetings are effectively orgnized and minute”,
▪Joogtaynta Diiwaangalinta Ballamaha Kulan hawleedyo wax ku ool ah iyo Maamulka Hawl-socodsiinta Maalinlaha ah “Maintaning Effective Records and Administration”.
▪Adkeynta Hannaanka Xog Wadaaga, diyaarinta qoraalada, kaydinta iyo gudbinta farriimaha, ajandaha iyo war bixinaha.
▪Xoojinta Ilaalinta Siraha, door weynaanta ku xaadirsanaanta goobaha shaqo iyo sii adkeynta iska war heynta hawl-gudaalnimada.

Ugu danbeyntii, waxa hubanti ah in haweenku yihiin adhaxda ummadnimo iyo kartigalinta dhaba ee bulshada dunida. Si gooniya hablaha Somaliland hore ayuu Abwaan Hadraawi ugu tilmaamay hablo Geela Dhicin kara. Anaguna ka Wasaarad ahaan waxan sharaf iyo karaamo u hayn u haynaa hablaha shaqaalaha Wasaaradda oo kaalinta koowaad kaga jira guul-gaadhista iyo handaafinta shaqo ee Xafiisyada. Waayo dhammaan inta ka faaiideysatay tababarkan maanta waxay ahaayeen hablo. Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa aqoonyahannada u fuliyey tababarkan oo ka hawl-gala Jaamacadda Golis ee Hargeysa.

Allaa Mahad Leh.

Wada Socod Wacan.

Jamal A. Muse

 

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 17 people

 

COMMENTS
Latest News