18MayNews.com
Gudoomiyaha Haayada Shaqalaha Dawlada Somaliland Oo Billad Sharaf Lagu Maamuusay+Gudoomiyaha Oo Ka Dareen Celiyay Billada Lagu Maamusay[Faahfaahin]
February 12, 2020 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Gudoomiyaha Haayada Shaqalaha Dawlada Somaliland Oo Billad Sharaf Lagu Maamuusay+Gudoomiyaha Oo Ka Dareen Celiyay Billada Lagu Maamusay[Faahfaahin]

Gudoomiyaha Ayaa Isagoo Ka Dareen Celinaya Biladaasi Lagu Maamusay Waxa Uu Yidhi Sidatani
”Waxaan uga mahad celinayaa dhalinyarada aqoonyahanka ee Machadka daraasaadka iyo horumarinta SL, HIIGSI QARAN ee igu Maamuusay iina gartay inaan ka mid noqdo shaksiyaadka sanadkan ay abaalmarinta ay ugu magac dareen Somaliland National Award u garteen. Run ahaan dadaal ayuun baanu samaynay laakiin weli sidii iyo halkii aan doonaynay in la gaadhsiiyo shaqada xafiiska Hayada Shaqaalaha Dawlwadu maanaan gaadhsiin oo wax badan ayaa weli noo dhiman. Riyadayadu iyo rajada aanu Ku shaqaynaynaa waa in aanu Ku guulaysano helista shaqaale la sugay xaqooda iyo xaquuqda aasaasiga ah ee daryeel iyo nololeed. Tayaynta aqoontooda, kor u qaaadista sabada xafiis, agab iyo qalab ee ay Ku shaqaynayaan iyo suurta gelinta in ay helaan hanaan adeeg caafimaad oo u cuntama hayntooda iyo qorshe hawlgab oo lagu abaaliyo si ay uga nastaan dadaalkii iyo tacabkii ay sanadaha badan ugu soo dhabar adaygeen u adeegista iyo u samafalka bulshadooda”.

 

COMMENTS
Latest News