18MayNews.com
Waxaan Leeyahay Soomaliya Riyaa Ku Nooshiine Runta U Noqda “” Qalinkii Ex Wasiir Hussein Deyr”
February 22, 2020 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Waxaan Leeyahay Soomaliya Riyaa Ku Nooshiine Runta U Noqda “” Qalinkii Ex Wasiir Hussein Deyr”

DADKA IYO DAWLADA SOOMAALIYA: WAX WALBA WAY ISKU KHILAAFSAN YIHIIN, BALSE HAL ARRIN BAY ISKU RAACSAN!!

Waxaynu ku jirnaa Xilli ay si aad ah u sii kordhayaan hadimooyinka iyo hagar-daamada qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada iyo Gooni-isutaagga JSL. Hagar-damooyinkaa waxaa horseed ka ah Xukuumada Muqdisho ee aan iyadu iskeed-isu-maamulin, taagta daran ee tahli weyday inay ka soo baxdo xilkii iyo masuuliyaddii ka saarnaa ummaddeeda.

Arrinta maanta taagan ee ummadda Jam. Somaliland hortaallaa waxa weeye: WAAN JIRAYAA!!, iyo JIRI MAYSID!!

Waxaynu ka wada dheregsan nahay in dalkeenna lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba ah. Weerarradaa waxaa horseed ka ah Dawladda itaalka daran ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmajo, taasoo aan iskeed-isku-maamuli karin, dadkeedana aan haba yaraatee ka haysanin wax aqoonsi iyo ixtiraam ah, balse ay Beesha Caalamku soo mal-maluuqday.

Dadka ku nool dalka Soomaaliya, muddo 30 sano ah ayey waxba ku heshiin waayeen oo ay wax walba isku khilaafsan yihiin. Laakiin, waxa jirta hal arrin oo dadka ku nool dalka Soomaaliya, Dawladooda iyo Madaxdooduba ay dhamaantoodba ka siman yihiin amaba ay isku raacsan yihiin. Taasoo ah: In aanay Jam. Somaliland ka go’in, oo aanay noqonin Qaran Madax-bannaan oo bulshada caalamku aqoonsan tahay!

Xukuumadda Muqdisho waxaanu leenahay: Riyaad ku nooshihiine runta u soo noqda!! Ka taliya aayaha ummaddiina iyo sidii aad dadkiina iyo dalkiina Nabad iyo Degenaansho ugu samayn lahaydeen, ee aad uga saari lahaydeen mashaakilka soddon jirsaday.

Dawladda iyo Shacabka Jam. Somaliland waxay Xukuumadda aan-iskeed isu-maamulin ee Muqdisho uga digayaan fara gelinta iyo cadaawada aan qiilka lahayn ee ay ku hayaan Dalka iyo Dadka JAM. SOMALILAND.

Waxaanu idiinka digaynaa in aydaan marnaba ku mashquulin arrimaha dalkayaga, waayo Jam. Somaliland waa Qaran Guulaystay oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag.

HA NOOLAATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

COMMENTS
Latest News