18MayNews.com
Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Ayaa Maanta Magaalada Hargaysa ku gubtey Alaabooyin Wakhtigoodu dhacay,
February 24, 2020 - Written by admin

Hargeisa(18may-news)

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Ayaa Maanta Magaalada Hargaysa ku gubtey Alaabooyin Wakhtigoodu dhacay,

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Ayaa Maanta Magaalada Hargaysa ku gubtey Alaabooyin Wakhtigoodu dhacay,
Alaabta La gubay ayaa ahayd, 250, Kartoon oo Dawo ah, oo dhamaanteed wakhtigeedu dhacay.

Iyaddoo Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, gudanaysa waajibaad-keeda shaqo, waxa ay Maanta oo ay taariikhdu ahayd, 24/02/2020-ka,Magaalada Hargaysa ku gubtey dawooyin wakhtigoodu dhacay,Dawadaasi oo Dalka la soo geliyey horaantii bishan aynu ku jirno,
Baadhis dheer ka dib waxa ay Hay’adda Dhawrista JSL, Go’aan ku gaadhay in la gubo alaabtaasi, Iyaddoo la raacayo Xeerka Hay’adda, Xeer Lr 68/2014.

Ugu danbayntii, Dawadaasi dhacday ayaa lagu gubay goobaha alaabta dhacday lagu gubo, ee Magaalada Hargaysa.(Sawiro)

ALLAA-MAHAD-LEH.

COMMENTS
Latest News