18MayNews.com
Muwaadin Baro Aadaabta Sharci Ee Gawraca/Biraynta, Si’aad U Heshid Hilib Xalaal Ah. W/Q Maxamed Axmed Olol .
March 26, 2020 - Written by Nour Moh

Hargeisa (18may-news)

Muwaadin Baro Aadaabta Sharci Ee Gawraca/Biraynta, Si’aad U Heshid Hilib Xalaal Ah. W/Q Maxamed Axmed Olol .

  1. Waa Maxay Gawracu (Birayntu)?
    2. Yaa Wax Gawrici (Birayn) Kara?
    3. Wax Gawrace Waa Kuma?
    4. Sheeg Shuruudaha Laga Rabo Qofka Wax Gawracaya?
    5. Sidee Loo Gawracaa Geela? Lo’da? Iyo Adhiga?
    6. Sheeg Tiirarka Uu Leeyahay Gawracu?
    7. Qof Aan Tukan, Wixii Uu Gawraco Mala Cuni Karaa?
    8. Sheeg Tilmaamaha Aalada Wax Lagu Gawrici Karo?
    9. Dhankee Loo Jiifiyaa Adhiga? Iyo Lo’da?
    10. Gawraca Geelu Muxuu Kaga Duwan Yahay Kan Lo’da Iyo Adhiga?
    11. Ma Banaantahay In Mindida Lagu Laba Jeer Celiyo Neefka La Gawracayo?
    12. Maxaa Laga Rabaa In Uu Ku Dhawaaqo Qofku, Marka Uu Gawracaayo Neefta?
    13. Dhiiga Sunta Ah Sidee Neefka Uga Imanayaa Ama Looga Sii Daynayaa?
    14. Sheeg Xididada La Rabo In La Jaro Marka La Gawraco Neefka?

Wuxuu Ahaa Tababar Aqooneed Muddo Saddex Maalmood Ah Aanu Siinaynay Dadka Ka Hawl-Gala Kawaanka Iyo Saylada Degmada Ceerigaabo Oo Maanta Aanu Soo Afmeernay.
Tababarkaas Oo Ay Iska Kaashanayeen Maxkamadda Degmadda Ceerigaabo, Dawlada Hoose Ee Degmada Ceerigaabo, Hay’Ada Wanaag- Farista Iyo Xumaan- Reebista Gobolka Sanaag Iyo Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Gobolka Sanaag.
Waxaa Mahad Oodhan Iska Le, Alle Subxaana Watacaalaa Oo Nagu Ilhaamiyey Waajibkii Naga Saarnaa Bulshada Aanu Masuuliyada U Hayno.
Waxaan Qirayaa Maanta In Ay Aqoon Buuxda Uleeyihiin Hawl Maalmeedkooda Shaqo, Bulshadana Ay U Xalaalayn Doonaan Hilibka Xoolaha Ee Ay Inoo Gawrici Doonaan, Maadaama Ay Ku Dabaqi Doonaan Sida Shareecadeena Islaamku Inagu Amartay.
* Dawladu Waxay Nidaamisaa Bulshada, Bulshaduna Markaasay Jeclaadaan Dawlada.

Qalinkii :- Mohamed Ahmed Olol

 

COMMENTS
Latest News