18MayNews.com
Asaasaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Ma Geyo Cay Iyo Fadeexad Warbaahinta Loo Mariyo Ee Dhiiri Gelin Bu Mudan Yahay [Akhri]
June 3, 2020 - Written by Nour Moh

Hargeisa (18may-news)

Asaasaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Ma Geyo Cay Iyo Fadeexad Warbaahinta Loo Mariyo Ee Dhiiri Gelin Bu Mudan Yahay [Akhri]

Waxa Beryihii U Danbeeyay Baraha Bulshada Iyo Telefishanada Madaxa Banaan Haystay Sheekoyin Been Abuur Ah Oo Sharafta Asaasaha Dugsiyada Nuuradiin Wax Loogu Dhimayo Iyadoo Qiil Looga Dhigayo Inuu Macalin Ku Tacadiyey Oo Mushaharkiisi Udiidey .

Sidaad Wada Ogtihiin Mahad Ibraahim Wuxuu Qaranka Sanadka Usoo Saara Ugu Yaraan 3kun Oo Ardey  Oo Wax Bartey Kuwaas Oo Qaranka Horumarkiisa Meelo Badan Kasoo Gala Qaarkoodna Ay Maanta Xilal Muuqda Ka Hayaan Xukuumada .

Wararka Beenta Ah Ee Sheegaya In Macalin Dugsiyada Nuuradiin Dhiga Loo Diidey Mushahar Waa Been Cad Oo U Shacabka Somaliland Caqligooda Lagu Ciyaarayo .

Macalinka Sheegay In Mushaharka Loo Diidey Ee Weerarka Ku Qaadey Asaasaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Isagooo Cibaadaysanaya Sida Naloo Xaqiijiyey Wuxuu Schoolka Nuradiin Ka Tegay Mudo Hore .

‘Mahad Ibraahim Oo Ku Tukanaya Masaajid Ku Yaala Hargeisa Ayaa Inanka Macalinka Sheeganaya U Yimi Wuxuuna Ku Yidhi Mushahar Aya La Iga Hor Istaagey Kadib Waxa Mahad Uu Ku Yidhi Isheeg Lanbar Aan Kugu Diro Xataa Kadib Macalinki Cabanayey Wuxuu Yidhi Na Dhex Dhexaadi Intaas Kadib Mahad Ibraahim Wuxuu Ku Yidhi Hada Masaajid Ayaan Ku Jira Ee Isu Keen Keen  Macalinkii Cabanayey Ayaa Dhaqaaqey Oo Wuxuna Soo Qaatey Bir Isla Markaana Madaxa Kaga Dhuftey Maamule Mahad Oo Salaadi Taraawiixda Ku Jira . Arinkuna Sidaasu  Udhacay .

La Soco Wixii Warar Kasoo Kordha .

Source “SOMALILANDFUTUREPOLICY

COMMENTS
Latest News