18MayNews.com
Booqashadii Uu Amb Nicholas Berlanga Ku Tagay Shaybaadhka Qaran ee Baddeecadaha Hay’ada Dhawrista Tayada JSL[Xog]
May 17, 2021 - Written by admin

Booqashadii Uu Amb Nicholas Berlanga Ku Tagay Shaybaadhka Qaran ee Baddeecadaha Hay’ada Dhawrista Tayada JSL[Xog]

Waxa 15 /5/2021 booqaaho iyo indha-indhayn ku Tagay Shaybaadhka Qaran ee Baddeecadaha Hay’ada Dhawrista Tayada JSL, Ambassadorka Midowga Yurub u Qaabilsan Somaliland iyo Somalia nicholas berlanga .

Waxana Uu kormeeray Dhismaha Cusub ee Shaybaadhka Qaran ee badeecdaha Sida Cuntada iyo Dawada , Sidoo kale Waxa uu Safiirku indha-indhayey Shaybaadhka Shidaalka.

booqashadaa oo ay Ku weheliyeen Wasiirada Qorshaynta Qaranka, Wasiir Ku Xigeenka arimaha gudaha, Agaasimaha guud ee Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyaynta iyo Sidoo kale Maddaxda heer Degmo iyo heer Gobol.
Waxa halkaa Ku soo dhowayey ugana war-bixiyay Shaqada ay Umada u hayso Hay’ada Dhawrista Tayada JSl, Muhiimada iyo Qorshaha Shaybaadhka Qaran ee Badeecadaha , Gudoomiyaha Haya’da Dhawrista Tayada JSl, Mudane: Muuse Xasan X. Yusuf.

Allah Mahad Leh.

COMMENTS
Latest News