18MayNews.com
Caleemo Saarka jiif Caaqilka Guud Ee Beelaha Bohood || W/Q Axmed Maxamuud Jaamac
June 15, 2020 - Written by Nour Moh

Hargeisa (18may-news)

Caleemo Saarka jiif Caaqilka Guud Ee Beelaha Bohood  || W/Q  Axmed Maxamuud Jaamac

Waxa Shalay Lagu Caleema Saaray Magaaladda Xamilka Oo Ka Tirsan Degmadda Ceel-Afwayn Ee Gobolka Sanaag Cheif Caaqil Ibraahim Ismaaciil Jaamac Faarax Ugu Horayn Cheifka Ilaahay Waxan U Waydiinaya In Uu Hawshaa U Fudaydsho Oo Ka Yeelo Mid Si Waafiya Rabbi U Garansiiyo Masuuliyadiisa! #Mahadnaq Waxan Halkan Uga Mahadnaqayaa Anigoo Ku Hadlaya Afkayga Iyo Ka Qoyska Reer Jaamac Ahmed #Cheif Caaqil Ibraahim Ismaaciil Oo Ugu Horayn Naga Aqbalay Xulashadii Aan Qoys Ahaan U Xulnay In Uu Masuuliyadda Culus Ee Cheif Caaqil Nimo Tolkii U Qabto Sidoo Kale Waxan Halkan Si Milgo Leh Ugaga Mahadcelinayaa Tolwaynaha Beesha Boho Faarax Oo Runtii Aqbalay Nala Na Qaatay Doorashadii Aan Usoo Xulnay Cheif Caaqilka Iyaguna Caleema Saaray. Waxan Iyanna Si Aad Iyo Aad Ah Ugu Mahadnaqayaa Dhamaan Ergooyinkii Ka Soo Qayb Galay Munaasibaddi Shalay Ee Caleema Saarka Jiif Caaqilka Oo Dhamaantooda Waqti Qarash Iyo Safar Dheer Ku Soo Bixiyey Oo Ka Kala Yimi Dhammaan Goboladda Dalka Waxan Leeyahay Ka Beel Ahaan Waan Idiin Ognahay Abaalkaa. Ugu Danbayn Waxan Iyanna U Mahadnaqayaa Masuuliyiintii Dawladda Soomaaliland Ee Uu Ugu Horeeyaan Waftiga Wasiiradda Ahaa Ee Uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Maxamed Caalin Tiimbaro Iyo Maayiradda Degmooyinka Ceel-Afwayn, Dararweyne Iyo Gar-Adag Iyo Sidoo Kale Ciidamadeena Qaranka Ee Iyaguna Sida Hawlkarnimadda Ah U Korjoogtaynayey Amaanka Guud Ee Madasha #Dardaaran: Waxan Jiif Caaqilka Cusub Ee La Doortayna Kula Dardaarmayaa Inuu Tolwaynahaa Doortay Ka Shaqeeyo Midnimadood Iyo Isku Hayntooda Uguna Shaqeeyo Si Cadaalad Ah Waayo Waxa Kaliya Ee Bini Aadam Deeqa Waa Cadaalad Ee Uu Kii Dulmana U Hiiliyo Ka Ay Dulmaana Ka Qabto Ilaahay Idamkii Wa Bilaahi Tawfiiq

Axmed Maxamuud Jaamac Faarax

COMMENTS
Latest News