18MayNews.com
GUDDIGA FARSAMO EE MASHRUUCA DIB-U-HABAYNTA SHAQAALAHA AYAA KULAN KU YEESHAY MAGAALADDA HARGAYSA[Faahfaahin]
August 11, 2021 - Written by admin

GUDDIGA FARSAMO EE MASHRUUCA DIB-U-HABAYNTA SHAQAALAHA AYAA KULAN KU YEESHAY MAGAALADDA HARGAYSA[Faahfaahin]

Hargaysa:(CSC )-Shirkii billaha ahaa ee guddiga farsamo ee dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo ka kooban Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ayaa maanta ku qabsoomay Maansoor hotel ee magaalada Hargeysa.

Shirkan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa waxa ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Isgaadhsiinta, Warfaafinta, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Debedda, Deegaanka, Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda iyo masuuliyiin kele oo dawladda ka socda. Guddoomiyaha oo si rasmi ah shirkan u furay ahaa soo dhaweeyay masuuliyiinta ka qaybgelaysa isla markaana faahfaahin ka bixiyay guud ahaan dib u habaynta shaqaalaha iyo halka uu marayo.

Shirka waxa lagu lafa guray arrimo khuseeya dib u habaynta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda kaas oo si xawli ah dalka uga socday sannadihii ugu dambeeyay. Arrimaha shirka la iskula soo qaaday waxa ka mid ah, dib u habaynta iyo casriyaynta lagu samaynayo qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda kaas oo ay Hay’adda Shaqaalaha dawladdu hagayso. Waxa sidoo kele lagu lafa guray samaynta iyo dib u eegista siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah maamulka shaqaalaha iyo tayada wasaaradaha iyo kor u qaadista tayada hay’adaha dawladda.

Intii uu shirku socday waxa fikrado kala duwan halkaa isku waydaarsaday masuuliyiintii ka soo qaybgashay, waxaanay warbixino ka dhegeysteen qaar ka mid ah masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha iyo masuuliyiinta mashruuca dib u habaynta shaqaalaha oo soo jeediyay halka ay wax u marayaan iyo waxyaalaha u baahan in gacanta la isu qabsado si loo waajaho.

Ugu dambayntii waxa kulanka soo xidhay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo uga mahad celiyay masuuliyiinta kulankaa ka soo qaybgashay sida ay wakhtigooda ugu hureen qaranka.
@CSC MEDIA SECTION

COMMENTS
Latest News