18MayNews.com
Gudoomiyaha cusub ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Maxamed Cabdilaahi Guuleed ayaa kulan isbarasho iyo dardargalin shaqada la qaatay shaqaalaha kala duwan ee xafiiska GQQ[Faahfaahin]
November 10, 2021 - Written by Maroodijeex

Gudoomiyaha Guddida Qanadaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdilaahi Guuleed oo wehelinayo agaasimaha guud ee GQQ Axmed Cabdirisaaq Diiriye ayaa kulan ujeedadiisu tahay is barasho la yeesheen shaqaalaha kala duwan ee Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland.

Gudoomiyaha cusub ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Maxamed Cabdilaahi Guuleed ayaa ugu horayn soo dhaweeeyey shaqaalaha kala duwan,waxaanu ku dheeraday muhiimada Iyo Wada shaqayntu u leedahay dardargalinta hawlaha xafiiska GQQ.

Agaasimaha guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland mudane Axmed Cabdirisaaq Diiriye ayaa dhankiisa bogaadiyey kaalinta shaqaalaha GQQ ku leeyihiin Habsami U socodka iyo U Adeegida mawaadiniinta.

Ugu danabayn Kulankani markii u soo dhamaaday shaqaalaha kala duwan ee GQQ ayaa soo dhaweeyey kulanka oo qayb ka ah dardargalinta shaqo ,soo dhawayn iyo isbarasho gudoomiyaha cusub ee guddida Maxamed Cabdilaahi Guuleed.

COMMENTS
Latest News