18MayNews.com
Haayada Dhawrista Tayada JSL Oo Gubtay Alaabo Waqtigeedu Dhacay[Faahfaahin]
July 7, 2021 - Written by admin

Haayada Dhawrista Tayada JSL Oo Gubtay Alaabo Waqtigeedu Dhacay[Faahfaahin]

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Ayaa Maanta Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ku gubtey Alaabo wakhtigeedu dhacay, Alaabta la gubay ayaa Dhammayd 100-CRT oo qalab Caafimaad ah.

Iyaddoo Hay’adda Dhawrista Tayada JSL gudanaysa waajibaad-keeda shaqo ee ay Qaranka mas’uulka uga tahay ayaa waxa ay badeecadani ku soo qabatay gudaha Dekedda Berbera.

Ugu danbayntii qalab-kaasi Caafimaad ayaa lagu gubay goobaha alaabta dhacday lagu gubo ee Magaalada Berbera.

ALLAA-MAHAD-LEH.

COMMENTS
Latest News