18MayNews.com
Madaxweyne Biixi, Ayaa Heegan Geliyay Ciidamada Somaliland Ka Hortagga Cudurka Corona Virus Awgii.
March 17, 2020 - Written by Wariye Yasin Baaldahab

Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer isugu jira wacyigelin iyo kormeer ku tegay taliska guud ee ciidanka qaranka iyo xerada ciidanka ee Birjeed, isaga oo sidoo kale dhammaanba ciidamada kala duwan ee qalabka sidana geliyey heegan buuxa, xaaladda kasoo korodhay xanuunka CORONA VIRUS oo ah masiibo cusub oo dunida kusoo korodhay.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, qaar kamid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidanka qaranka iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa booqashadiisa ka bilaabay taliska guud ee ciidanka oo ay heegan ku ahaayeen Abbaan duulaha, sakaariiskha kala duwan iyo taliyayayaasha kala duwan ee ciidanka, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad ballaadhan oo uu ciidanka ku hogo-tusaaleeyey waajibaadka ciidan ahaan ka saaran ka hortagga xanuunka saf-marka ah ee CORONA VIRUS iyo ka hortagga haddii uu dalka soo galo.

COMMENTS
Latest News