18MayNews.com
Mid Kamida Diyaaradaha Dagaalka Ee Dalka Maraykanka Oo Soo Cago Dhigatay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera[Faahfaahin]
August 14, 2021 - Written by admin

Mid Kamida Diyaaradaha Dagaalka Ee Dalka Maraykanka Oo Soo Cago Dhigatay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera[Faahfaahin]

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanku ayaa soo caga-dhigatay maalintii arbacada ee toddobaadkii hore garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, iyadoo ay la socdeen saraakiil ka tirsan millatariga Maraykanka.

Saraakiisha Maraykanka ah ayaa la sheegay in ay gudaha garoonka kula kulmeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Somaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maraykanku doonayo in uu dib u furto saldhiggiisii milatari ee magaalada Berbera, iyadoo ciidamada haatan yimid ay ahaayeen kuwo sahan ah

Geesta kale, warar kale ayaa sheegaya in toddobaadkan uu dekedda Berbera kusoo xidhan doono Markab dagaal oo uu leeyahay Midowga Yurub.

Xigasho Wariye Khaalid Foodhaadhi

COMMENTS
Latest News