18MayNews.com
OLOLAHA BILAA TURXAANTA AH EE AY MUUJIYEEN XISBIYADA QARANKU WUXUU DALIIL CAD U YAHAY BISAYLKA IYO HANAQAADKA HANNAANKA DIMUQRAADIYADDA KA JIRA JAMHUURIYADDA SOMALILAND. W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)
May 28, 2021 - Written by admin

OLOLAHA BILAA TURXAANTA AH EE AY MUUJIYEEN XISBIYADA QARANKU WUXUU DALIIL CAD U YAHAY BISAYLKA IYO HANAQAADKA HANNAANKA DIMUQRAADIYADDA KA JIRA JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

Maanta (28.05.2021) waxa si rasmi ah u soo gabagaboobay lixdii maalmood ee loo qoondeeyey Tartanka Ololaha Doorashooyinka isku-sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, ololahaasi oo ay murrashaxiinta ka sharaxan sadexda Xisbi Qaran ay tartan ugu jireen hanashada kalsoonida codbixiyeyaasha, iyagoo u soo bandhigayey barnaamijkooda siyaasiga ah iyo wax-qabadkooda xagga horumarinta bulshada.

Haddaba, waxa arrin lagu farxo ah isla markaana aynu ummad ahaan aad ugu faani karno, in lixdii cisho ee ay socdeen tartanka Ololaha Doorashada in aanay haba yaraatee ka soo bixin wax dhib ah ama carqalad ah oo wax u dhimaya nabadgelyada iyo xasiloonida nolosha bulshada. Heerka xilkasnimo iyo lexejeclada ay muujiyeen Xisbiyada Qaranka iyo taageerayaashoodu waxay daliil cad u tahay bisaylka bulsho iyo qaan-gaadhnimada hannaanka tartanka Doorashooyinka Dimuqraadiyadda ee ka jira Jam. Somaliland.

Xisbiyada Qaranku waxay muujiyeen bisayl siyaasadeed waxayna si xilkasnimo leh ugu dedaaleen in ay murrashaxiintooda iyo taageerayaashooda si dhab ah ugu ilaaliyaan uguna kormeeraan dhawrista anshaxa iyo asluubta tartanka ololaha, iyagoo si dhab ah uga baaqsaday wax kasta oo xanaf ah ama xad gudub iyo deelqaaf ah oo ummadda lagu kala fogeynayo.

Tartanka Ololaha Doorashooyinka isku-sidkan oo ah kii 7-aad ee ay ummadda JSL u dareeraan oo socday muddo lix maalmood ah, Xisbiyada Qaranka iyo taagerayaashoodu waxay soo bandhigeen waayeelnimo, bisayl, ilbaxnimo iyo waayo-aragnimo siyaasadeed oo la xidhiidha nidaamka dimuqraadiyada, taasoo si dhab ah dhabbaha ugu xaadhay qabsoomida
doorashadii 7-aad oo In Sha Allah si xor iyo xalaal ah Jam. Somaliland uga qabsoomi doonta Isniinta 31/05/2021.

Hufnaanta, asluubta iyo furfurnaanta ay soo bandhigeen bulshada Jam. Somaliland iyo Xisbiyada Qaranku waxay hormuud, tusaale, cilmi iyo cibro u tahay guud ahaanba dalalka Qaaradda Afrika oo lagu yaqaano dhaqan guracan oo ah in Xukuumadda talada haysaa ay Xisbiyada Mucaaridka ah kula kacdo cadaadis, cabudhin iyo caga juglayn oo ay ku muquuniso awood dawladeed. Nasiib wanaag xaaladaasi kama jirto dalkeena, Qaranka JSL si xilkasnimo leh ayuu uga soo gudbay colaada iyo cabudhinta Xisbiyada Siyaasadda ee Mucaaridka ah.

Muddadii uu socday Tartanka Ololaha Doorashooyinka, Xukuumada talada haysa, Xisbiyada Qaranka iyo guud ahaanba Shacabka Somaliland waxay si mudakarnimo ah uga soo baxeen waajibkii ka saarnaa ilaalinta nabada, xasiloonida iyo ku dhaqanka xeerarka dimuqraadiyadda iyo afkaarta xorta ah.

Gebi ahaanba ummadda reer Somaliland, muxaafid iyo mucaaridba, waxay si niyadsami leh u og yihiin isla markaana ay ka midaysan yihiin in guulaha laga gaadho doorashooyinka isku-sidkan, ciddii doontaaba ha guulaysatee, ay yihiin kuwo bilaya magaca iyo muuqaalka Qaranka korna u qaadaya arrimaha masiiriga ah ee Jam. Somaliland.

Guntii iyo gebagabadii, in kasta oo ay Jam. Somaliland Beesha Caalamka ka tirsanayso eex, hagrasho iyo hagardaamo 30 jirsaday, hadana ummad ahaan waxa inagu waajib ah in aynu awooda saarno sidii aynu markii 7-aad Beesha Caalamka ugula gar naqsan lahayn Bisaylka iyo Hanaqaadka Hannaanka Dimuqraadiyadda ee ka jira dalkeena barakaysan ee Jam. Somaliland.

COMMENTS
Latest News