18MayNews.com
QARAN WALBA DADKIISAA U YEELA QIIMAHA IYO QURUXDA UU LEEYAHAY “QALINKII XUSEN DEYR”[Akhri]
June 21, 2021 - Written by admin

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

QARAN WALBA DADKIISAA U YEELA QIIMAHA IYO QURUXDA UU LEEYAHAY

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

Waxa inoo dhisan Qaran aynu ku faani karno, Qaran aynu inagu dhisanay oo aan cid kale inoogu mana-sheeganayn. Waxa inoo dhisan QARAN GUULAYSTAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa ka bedbaadiyo halaag iyo colaado sokeeye oo kala kaxayn lahaa shacab walaalo ah.

Waxa inoo dhisan Qaran leh dhammaanba kaabayaashii lagama-maarmaanka u ahaa hannaanka dawladnimada, sugidda amniga, nabadda iyo xasiloonida dadka iyo dalka.

Jam. Somaliland waa QARAN HANAQAADAY oo ku guulaystay in uu ummadiisa u horseedo nabad, degenaansho, wada noolaansho, horumar iyo dimuqraadiyad dhab ah, sidaana ku soo caano-maalay sodonkii sano ee ugu dambeeyey.

Dawladda iyo shacabka Jam. Somaliland waa ummad iyagu isku tashaday oo ka tashaday fara gelin shisheeye iyo in ay danahooda cid kale u daba fadhiistaan! Shacabka Somaliland waa ummad ka midaysan quluubta iyo dareenka wadaninnimo oo ay si dhab ah uga go’an tahay ku adkaanshaha iyo ilaalinta qarannimadooda.

Ummadda Somaliland waxay si qoto dheer u og yihiin in iyagu ay yihiin kuwa keliya ee go’aamin kara XAQA AAYA-KA-TASHIGA iyo arrimaha MASIIRIGA AH ee ay leeyihiin.

Ugu dambayntii, QARAN WALBA DADKIISAA U YEELA QIIMAHA IYO QURUXDA UU LEEYAHAY. Haddaba, haddii aynu nahay Ummadda Somaliland waxa inagu waajib ah in aynu quluubta u sii dayno Quruxda iyo qiimaha uu leeyahay Qarankeenu.

SOMALILAND HA NOOLAATO.

COMMENTS
Latest News