18MayNews.com
QIIMAHA AY NABADU LEEDAHAY CIDII AAN HAYSANIN BAA OG[QALINKII EX AFHAYEEN XUSEN DEYR]
August 23, 2021 - Written by admin

Qalinkii EX Afhayeen Hussein Deyr

QIIMAHA AY NABADU LEEDAHAY, CIDII AAN HAYSANIN BAA OG!!

Waxa jira Xoogag ku hawlan fulinta qorshayaal dhagaraysan oo ka dhan ah Qarannimada iyo Jiritaanka Somaliland. Xoogagani waa kuwo si joogto ah u adeegsada xeelado kala duwan, isla markaana foodsaar ka dhigta qadiyado salka ku haya afkaar Diimeed, kuwo Siyaasadeed iyo Dano dhaqaale.

Dalkeena Somaliland waxa beryahan dambe si weyn u soo if-baxaya kooxo si weyn u abaabulan oo ku hawlan kicin iyo iska-horkeen bulsho, taasoo khatar weyn ku ah nabada, xasiloonida iyo wada noolaanshaha bulshada Jam. Somaliland.

Kooxahani waa kuwo badanaaba meelo kale laga hago oo afkaar-wadaag iyo hadaf midaysanba la leh Ururro iyo Xarakooyin Caalami ah. Kooxahan iyaga ah waxa haatan dhiiri gelin, hiraal iyo laab-la-kacba u noqday dhacdooyinka xiisaha leh ee ka dhacaya dacallada dunida.

Ujeedada ugu weyn ee ay kooxahani leeyihiin waxa weeyi in ay afkaar xag-jir ah oo meel kale laga soo waariday ka hirgeliyaan Somaliland, haddii ay taasi u suurto geli waydana waxa ka go’an inJamhuuriyadda Somaliland la galiyo qas iyo qalalaase la mid ah ama ka xun kuwa ka socda meelo ka mid ah mandaqadda Geeska Afrika iyo dunida kaleba.

Sidaa darteed, ummadda Jam. Somaliland ee jecel wanaaga, nabada iyo horumarka dalkooda, waxa waajib ku ah in ay ka hor tagaan kooxaha iyo shaqsiyaadka iyagu halista ku ah nabada, xasiloonida iyo qarannimada ay ummada Somaliland soo dhisayeen muddada 30-ka sano ah.

Sidoo kale, Xukuumadu waa in ay gacan bir ah ku qabato kooxaha, shaqsiyaadka iyo cid kasta oo halis ku ah xasiloonida dalka ama isku dayda in ay kiciyaan ama ay iska-horkeenaan bulshada walaalaha ah ee Jam. Somaliland.

SOMALILAND HA NOOLAATO,

COMMENTS
Latest News