18MayNews.com
Qisada Kitaabkii Qur’aanka Ahaa Ee Dhiigga Saddaam Xuseen Lagu Qoray [Akhri]
November 20, 2020 - Written by admin

Waa kitaab Qur’aanka kariimka ah, gacanta ayaa lagu qoray, Khadka ku qoranina waa dhiiggii madaxweynihii la dilay ee Ciraaq Saddaam Xuseen. Muddo laba sano ah ayaa farshaxan u dhashay dalka Ciraaq oo qorayey iyo gabadh kalkaaliso caafimaad ah oo dhiigga keenaysay ay ka shaqaynayeen qoraalka Kitaabkan.

Waa kitaab dhammaystiran, oo lagu qoray 27 litir oo dhiiggii Saddaam Xuseen ah, laakiin ma’aha dhiig laga soo qaaday markii uu dhintay ee waa dhiig isaga oo caafimaad qaba oo ku talagalay si joogto ah looga shubayey si loogu qoro kitaabkan Qur’aanka Kariimka ah. muddo 17 sano ah oo ka dambaysay markii uu Maraykanku qabsaday Ciraaq lama arkin Kitaabkan, ama ugu yaraan indhaha dadka ayaa laga fogeeyey, lamana oga waxa ay ku falaan ama sida ay ula macaamilaan hoggaamiyeyaasha cusub ee Saddaam Xuseen uga dambeeyey talada Ciraaq.

Kitaabkan 35 sano jirsaday waxa uu waqtigan ku kaydsan yahay masjidka ‘Umul Macaarik’ ama ‘Umul Quraa’ imika loo yaqaanno ee magaalada Baqdaad, waxaana la sheegaa in maamullada siyaasiga ah ee dalka Ciraaq ay ku adkaatay in ay ka takhalusaan, xilli ay dagaal kula jiraan dhammaan raadadkii Saddaam Xuseen iyo hadhaaga wax kasta oo jiritaankii hoggaamiyahaas calaamad u noqon kara. Laakiin xasaasiyadda arrintan awgeed kuma ay guulaysan in ay Kitaabkan tirtiraan ama gubaan. Sababta ugu badani waa kitaabkan oo gacanta ugu jira odayaasha iyo hoggaamiyeyaasha awoodda leh ee Sunniga dalka Ciraaq. Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska oo mar warbixin ka sameeyey Kitaabkan ayaa sheegay in isaga iyo xamaam kale oo uu Saddaam Xuseen lahaa ay gacanta ugu jiraan guddoomiyaha culimada alsunna ee dalka Ciraaq Sheekh Axmed A-Saamaraa’i. Sheekhu waxa uu wargeyska u sheegay in ay run tahay in Saddaam Xuseen uu sameeyey qaladaad iyo waxyaabo badan oo aan diinta Islaamku bannayn, laakiin haddana in ay qasab ahayd in uu ilaaliyo kitaabkan, gaar ahaan xilligii uu daglku gacanta u galay Maraykanka ee wax kasta la boobayey. Waxa uu sheegay in si aan loo helin uu gurigiisa iyo guryaha dadka ehelka ah marba mid geyn jiray.

Haddaba si aynu u ogaanno sababta uu Saddaam Xuseen dhiiggiisa kitaabkan ugu qoray, cidda qortay iyo waxa laga yidhi, la soco qormada tan xigta ee cadadka Berri haddii Rabbi xukmo.

Sababta ugu weyn ee Madaxweyne Saddaam Xuseen ku kalliftay in uu 27 litir oo dhiiggiisa ka mid ah u shubo si loogu qoro Kitaab Quraan ahi waxa ay ahayd nidar uu galay oo uu fulinayey.

12-kii bishii Jeenaweri 1996 kii, ayaa Cudday oo ahaa wiilka curad ee Saddaam Xuseen waxaa magaalada Baqdaad dhexdeeda loogu sameeyey shirqool la doonayey in lagu khaarajiyo, gaadhiga uu watay ayaana dhinac kasta lagaga furay rasaas sababtay in uu dhaawac aad u weyni soo gaadho. Waxaa la sheegay in Saddaam Xuseen uu wiilkiisan aad u jeclaa, sida uu aabo kastaaba dareemi lahaana arrintani waxa ay ku abuurtay naxdin iyo warwar weyn. Waxaa isaga iyo xitaa qaar badan oo dhakhaatiirta daweynaysay ka mid ah ku abuurmay dareen ah in ay adagtahay in Cudday uu dhaawacan ka kaco.

Maalintaas ayaa uu Saddaam Xuseen nidar ku galay haddii uu wiilkiisu bogsado in uu dhiiggiisa ku qori doono kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Alle waa uu shaafiyey Cudday oo mar kale ayaa uu isaga oo taam ah noloshii ku soo noqday, sidaas awgeed Saddaam Xuseen waxa uu ku qasbanaaday in uu fuliyo wacadkii uu qaaday. Waxaa loo yeedhay Cabbaas Shaakhir Jawdi, farshaxan reer Ciraaq ahaa oo caan ah, waxaana laga dalbaday in uu qoro kitaabkaas. “Waxaa la ii geeyey Saddaam Xuseen oo joogay cisbitaalka Ibnu Siinaa ee magaalada Baqdaad, oo uu ku soo booqday inankiisa oo maalmo ka hor iskud ay khaarajin ah lagu dhaawacay. Waxa aanu iga dalbaday in aan dhiiggiisa ku qoro Kitaab Qur’aan ah” ayaa uu yidhi Cabbaas Shaakir.

Cabbaas Shaakir waxa uu sheegay in laba sano oo shaqo aad u adag oo habeen iyo maalin ah ay ku qaadatay dhammaystirka kitaabkaas uu dhammaantii gacantiisa ku qortay, isaga oo adeegsanaya dhiigga Saddaam Xuseen. Waxa uu sheegay in shaqadaas uu ka qaaday indho darraan uu illaa hadda qabo. Labadaas sano kaddib waxaa kitaabkan lagu soo bandhigay xarunta kaydka hiddaha iyo dhaqanka (Matxafka) ee Umul Quraa.

605 bog oo waraaqaha xajmigoodu dhexdhexaadka yahay ah ayaa uu noqtay kitaabkan uu Qur’aanku ku dhamma oo uu sheegay in uu ka koobnaa 336 kun oo erey oo u uku dhammeeyey 27 litir oo dhiigga Saddaam ah. “Hawl fudud ma’ay ahayn, dhiiggu aad ayaa uu u adkaa, oo si fudud khad wax lagu qoro uma uu noqon karayn. Sidaas awgeed waxaa talo la igu siiyey in aan ku daro dhibco ah gulukoos si uu u furfurmo, fikirkaas oo guulaystay.” Sidaas waxaa yidhi Cabbaash Shaakir oo imika ku nool dalka Urdun, waxa aanu intaas ku sii daray, “Markii quraaraddii koowaad ee dhiigga Saddaam ah la ii keenay ee aan ku qoray qayb ka mid ah kitaabka, waxa la iga dalbaday in aan u dhiibo guddi gaar ah oo uu Saddaam u magacaabay hawsha dhammaystirka kitaabkan. Guddidaasi waxa ay kitaabkan u geysay xeeldheereyaal hubiyo in dhiiggan uu kitaabku ku qoran yahay uu awood u leeyahay in muddo dheer uu adkaysto oo ku sii qornaado warqadda, si loo hubiyo in aanu sanado kaddib iska tirtirmin” Cabbaas waxa uu sheegay markii la hubiyey arrintan in la amray in uu sii wado qoraalka, isaga oo ka hadlaya qaabkii dhiiggan loogu keeni jirayna waxa uu yidhi, “Mar kasta oo uu iga dhammaado kaydka dhiigga ee la ii keeno, waxa aan dalban jiray dhiig kale, waxaana la ii keeni jiray xidhmooyin dhiig ah oo ay dusha sare kaga qorantahay calaamadda cisbitaalka Ibnu Siinaa .. marmarka qaarkood dhowr maalmood ama xitaa toddobaado ayaan sugi jiray in dhiigga la ii keeno, sababtuna waxa ay ahayd Saddaam Xuseen oo marmar mashquulaya, sidaas awgeed aan dhiiggii laga soo shubi Karin” ayaa uu sheegay Shaakir oo intaas ku daray muddadii uu hawshaas waday in baasaboorka laga qaaday si loo xaqiijiyo in muddada uu hawshaas gacanta ku hayo aanu dalka ka bixin.

Dhinaca kalana xaaska farshaxanka ayaa sheegtay in ay aragax ku abuurtay in odaygeedu uu dhiig bani aadam wax ku qorayo, “Waa aan jidhidhicoon jiray marka aan tallaagada furo ee ay ishaydu ku dhacdo quraaradda uu ku jiro dhiigga Saddaam, naxdin ayaan gariiri jiray” ayaa ay tidhi.

Doodo badan ayaa uu kitaabkani ka dhex abuuray dadka carbeed, qaar badan ayaa u arkay in ay tahay geesinimo uu muujiyey Saddaam, halka kuwo badan oo kalana u arkayeen in ay tahay axmaqnimo. Sida oo kale waxa uu kitaabkani khilaaf ka dhex abuuray culimada diinta Islaamka, oo kuwo badani ay sheegeen in maadaama oo aanu dhiiggu daahir ahayn, in ay xaaraan tahay in sidan looga faa’iidaysto iyo in kitaabka Qur’aanka ah lagu qoraa.

Markii Ciraaq uu Maraykanku qabsaday, kooxihii mucaaradka kala aragtida duwan ahaa iyo dadweynihii u cadhaysnaa xukunka Saddaam Xuseen waxa ay bilaabeen in ay burburiyaan wax kasta oo ay u arkaan in uu xidhiidh si uun ula yeelanayo Saddaam Xuseen ama xukunkii uu hoggaaminayey. Inkasta oo ay jireen codad diidan burburintaas oo ay u arkayeen taariikh uu dalku leeyahay oo haddii ay fiican tahay iyo haddii ay xuntahayba ay qasab tahay in la kaydiyo, iyo kuwo Saddaam u arkayey halyeey dalka dhisay oo ay tahay in raadadkisia la ilaaliyo haddana waxaa xoog batay kooxihii burburinta.

Nasiibku se waxa uu keenay in Sheekh Axmed Saamaraa’i uu kitaabkan dhiigga Saddaam ku qoran qaado oo intii amnigu xumaa uu guryo ku qariyo markii dambana dhigo qaybta kaydka ee masjidka Umul Quraa. Waxaa la sheegaa in kitaabkan la dhigay qol dhulka hoostiisa ah oo uu masaajidku lahaa, loona sameeyey saddex albaab oo kala dambeeya, mid kastana fureyaashiisa cid gaar ah lood hiibay. Tusaale ahaan Sheekh Saamaraa’i hal albaab ayuu furihiisa hayaa, taliyaha bilaysa ee magaaladuna furaha albaab kale ayuu hayaa, furaha saddexaadna waxaa haya cid la qariyey illaa hadda. Waxaa sidaas loo yeelay in la raalli geliyo dadka diiddan raadadka Saddaam xuseen oo loo tusayo in Kitaabkaas aan la arki doonin, iyo dadka halyeeyga u arkayey oo loo tusayo in kitaabkaas meel ilaashan la dhigay. Sida oo kale waxaa laga ilaalinayaa dadka jecel iibsiga iyo kaydsiga aataarta.

Waxaa la qiyaasayaa in haddii kitaabkan iib loo dhigo in la siisan doono lacag malaayiin doolar ah, maadaama oo uu yaha yraadka keliya ee laga hayo wax ka mid ah jidhkii Saddaam Xuseen, oo dhiiggiisa ah.

Cabbaas Shaakir oo imika 53 sano jir ahi waxa uu sheegay mushaharkiisa ka sokoow markii uu kitaabkan dhammeeyey in la siiyey abaal marin lacageed oo markaas u dhigmayey 3 kun oo doolarka Maraykanka ah.
Xigasho Wargeyska Geeska Africa

COMMENTS
Latest News