18MayNews.com
SOMALILAND IYO HIRDANKA SIYAASADAHA GEESKA AFRIKA [Qalinkii Siyaasi Xusen Deyr]
September 26, 2021 - Written by Maroodijeex

SOMALILAND IYO HIRDANKA SIYAASADAHA GEESKA AFRIKA [Qalinkii Siyaasi Xusen Deyr]

Sidee bay Somaliland kaga bedbaadi kartaa Colaadaha, Hirdanka iyo Ged-gedoonka Siyaasadaha ka socda Mandaqadda Geeska Afrika??Bedbaado Allaa (sxwt) haya, laakiin aniga waxay ila tahay in aynu kaga bedbaadi karno haddii aynu samayno afarta arrimood ee soo socda: 1) Inagoo ummad ahaan danaheena u midowna, meelna uga soo wada jeesana arrimaha ina wada khuseeya. Dabadeedna inagoo muxaafid iyo mucaaridba quluubta iyo qarannimada ka midaysan oo isku duuban aynu si wadajir ah u waajahno arrimaha masiiriga ah ee ina horyaala. Gaar ahaan Xukuumadda, Goleyaasha Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran iyo indheer garadka Somaliland waxa la gudboon in ay midaynta iyo meel u wada jeedinta bulshada si wadajir ah horseed uga noqdaan. 2) In aynu Qaran ahaan la nimaadno Siyaasad cad iyo Qorshe Qaran oo shaqaynaya oo ku wajahan sidii ay Jam. Somaliland uga bedbaadi lahayd saamaynta taban iyo waxyeelada ku ladhan ama inaga soo gaadhi karta Colaadaha ka socda Mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya; 3) In aynu Qaran ahaan la nimaadno Siyaasad Arrima Dibadeed oo horseed ka noqota la jaan-qaadka Hirdanka iyo Ged-gedoonka Siyaasada Caalamka ee waqtigan xaadirka ah ka socda dunida, kaasoo si gaar ah ugu wajahan mandaqada Geeska Afrika; 4) In aynu Qaran ahaan la nimaadno Siyaasad cad iyo Qorshe Qaran oo shaqaynaya oo ku wajahan sidii ay Jam. Somaliland uga faa’iidaysan lahayd fursadaha uga bannaan ama ka unkama isbedelladaa xawliga ku socda ee haatan ka socda Geeska Afrika iyo Caalamka xag Dhaqaale, xag Isteraatijiyadeed iyo xag Siyaasadeedba;Hussein Deyr1 CommentLikeCommentShare

COMMENTS
Latest News