18MayNews.com
Talo Ku Socota Murashixiinta Golayaasha Baarlamaanka Iyo Deegaanka[Qalinkii Gudoomiye Farhan Haibe]
February 27, 2021 - Written by admin

(Nimaan foodka kuu garanin oo guraya jeebkaaga, Saw waxaad gadaal hibato’oo gocato uun maaha)

Axmed Cali Feesado.
Nin siyaasi iyo suugaan dhaadhi ah oo tusmo-hogaamineed lahaa, lixdamaadkiina mar magaalo- marseedka berbera maayor ka noqday, si aad ahna ay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHUN siyaasada isugu hayeen iskuna xanakadayn jireen. Waa Axmed Cabdi Feesado’e AHUN, ayaa markuu arkay duruufta doorashada ee xiligaas oo dadku weliba sidan dhaamay, isagoo suugaan ku cabiraya doorashada iyo dhibaatada kala haysata murashaxa iyo dadka uu codka ka filayo waxuu yidhi;
Nimaan foodka kuu garanin oo guraya jeebkaaga
Saw waxaad gadaal hibato’oo gocato uun maaha
Maanta oo aynu joogno qarnigii 21aad waynu suurayn karaa xanafta, xajiinta iyo xarajka ay leedahay iyo raadadka ay ka tagto markasta oo doorasho timaado. Marka laga tago shuruucda, amniga iyo kala danbaynta oo keena in la isla yaqaan dariiqa/habka doorashada loo marayo iyo nidaamka xisaabinta tirada guusha lagu gaadhayo oo qancin karta qofka guuldaraysta, waxa doorashada udub dhexaad u ah inay jiraan murashixiin iyo codeeyayaal/ taageerayaal. Maanta aan eegno dabeecada iyo noocyada murashixiinta inta badan aan u soo joogay aqoontayda gaaban ee xilli hore iyo hadeerba golayaasha baarlamaanka iyo deegaanka.
loo soo xulayo inay masiirka dadka dooranaya ku metelaan.
Sidaynu ognahay geedkastaa midhihiisa ayuu soo saaraa, warshad kastaana waxii laga rabay ayay soo saartaa, qofkastana ilaahay waxuu u abuuray ayuu ka rabaa, bulsho kastaana waxay doonayso ee ka go’an inay gaadho ayay go’aamadeeda ku salaysaa hadaba, inagu bulsho Soomaaliland ahaan maxaynu u xulanaa oo ku dooranaa xildhibaanada golayaasha baarlamaanka iyo deegaanka?
Mudane Rick Warren oo ah ninka qoray buuga la yidhaa Ujeedada Hagaysa Nolosha, Maxaan Aduunyada u Joogaa (The Purpose Driven Life, What On Earth Am I Here For) weliba ninkaasi waa wadaad iyo qoraa diinta masiixiga ah, ayaa waxuu leeyahay; hadaad doonayso inaad fahamto ujeedada nolosha ka danbaysa ee hagaysa kuma fahmi kartid inaad naftaada ka hesho, ilaa aad ka soo bilowdo cidii nolosha ahaysiisay ee abuurta lahayd. Ilaa aad fahamto abuuraha nolosha (Allah), way adag tahay in nolosha miideeda iyo qaab noloeedkeeda saxa ah la fahmaa. Nuuradiin Faarax oo ah qoraa soomaaliyeed ayaa yidhi; Hadii ay jiraan dad aan mustaqbalkooda hilaadin karin waxay soo saaraan hogaamiye aan mustaqbalka saadaalin karin (unimaginative society elects unimaginative leaders). Inaguna waxaynu leenahay; hogaamiye kastaa iyo wakiil kasta oo bulsho cirka kama soo dhaco ee bulshadaas ayuu ka mid yahay, bulsho kasta oo aan dan ka lahayn horumarinta dantooda iyo mida qarankoodu, lahayna hiraal iyo hiigsi nololeed waxay wakiishaan oo u metela golayaasha mid ku metela dhaqankooda kaas oo hiigsi la’aantooda kaga wakiil noqda.
Hadaba, aragtidayda dadka doorashada isu soo sharaxaya gaar ahaan baarlamaanka iyo deegaanka ee Soomaaliland waxay u badan yihiin guud ahaan 3 nooc, waanay jiri karaan noocyo kale;
1- Qof xilka ka baadi doonaya faan iyo xasaanad, kana dhiganaya shaqo iyo gabood ama u arka inuu damaanad nololeed oo isaga iyo qoyskiisa ah ka heli karo haduu ku guulaysto doorashada. Noocani qurbo joog ayuu u badan yahay iyo tiro qolqol joog ah oo danlaawe u badan.
2- Qof talada reerka, xisbi ama siyaasi dabada ay ka riixayso, kuna tiirsan aragti lagu qanciyay, si uu isu sharaxo, balse isagu aanu si fog uga baaraandegin kana soo go’in qalbigiisa, lahayna hiraal aragtiyeed keeni kara inuu isbadal dal la horumarinayo xakamaha lagu hagayo ee dhinaca shuruucda inuu dirinayaasha golahaas ka mid noqdo ama deegaan cashuurta laga qaado dadkiisa ay tahay inuu wakiil uga noqdo, si horumar loo gaadhsiiyo isaguna kaalin raad reebta ka qaato.
Dadka noocan labaad soo galaya waxa ka mid, qof qofkale la jiidhsiinayo si meesha looga saaro murashax kale iyadoon isaga loo danaynayn, qof siifad dhaqaale laga uriyay oo reerku u arko inuu jeebkiisa kaga bixi karo doorashada, qof xisbi si gaar ah u danaynayo kaalintiisa oo dabada ka riixayo ama qof isagu iswada oo u arka inuu danihiisa ganacsi ama shirkadeed ku ilaashado oo dan shakhsi ka dhex arka iyo qaarkaloo badan.
3- Qof markuu eegay aqoontiisa iyo kaalintiisa bulsho isu arkay inuu wax ku tari karo xaquuq bulsho ama heer qaran oo maqan keenistooda inuu naftiisa iyo xubnaha golihiisa ku qancin karo si loo falkiyo xeerarkii xaquuqaadkaasi ka dhalan lahaayeen ama horumarin deegaan u arka wax la hagraday inuu wax ku tari karo dhamaytirkeeda iyo guud ahaan xoojinta dhismaha dawladnimo ee soomaaliland, iskuna qanciyay inuu taas haduu ku guulaysto heer baarlamaan ama gole deegaan uu hore uga sii socon karo sida wadamada aduunka ka dhaca tusaale; Madaxwaynaha Turkiga Rajeb dayyib Urdogan, waxa uu ku soo baxay doorashadii golaha deegaanka ee Istanbul, waxaana loo doortay maayorkii Istanbul, halkaas ayaanu ka soo bilaabay socodkiisa siyaasadeed. Markuu Istanbul oo dadka ugu badani ku nool yihiin horumar la yaab leh gaadhsiiyay ayay u suurta gelisay inuu hawaysto kursiga dalka ugu sareeya oo weliba xiligaas ciidamadu xoog iyo farsamo si aan muuqan ah dalka u xukumayeen. Duruuf kasta wuu ka guulaystay ilaa xilligana waa madaxwyanaha dalka turkeyga ee awooda badan.
Hadaba, nooca qaybtan saddexaaad soo galayaa gebi ahaanba waxay ahaayeen dhif iyo naadir intii Soomaaliland jirtayba, haday jiraana oo joogaana waa faro-ku-tiris ama tiro aad u kooban oo ku dhex hafatay ama u suurtageli wayday inay rayigooda togan ka iibiyaan xubnaha golahooda. Qaarkood inay iska casileen ayaa suurtagal ah, qaar inay iska dhoofeen ama iska dhex joogaan iyagoo niyad jabsan markaan milicsano golayaasha imika la bedelayo. Marka guud ahaan loo eegana, waa dadka aqoontoodu la hal maasho golayaasha ay isu sharaxeen ama ah dad noloshooda dhisay oo heer ka gaadhay, keliyana baadi doonaya bulshada inteeda kale inay horumar badhaadhe u horseedi karaan una arka in golayaasha baarlamaanka ama deegaanku yihiin meelaha wax laga toosin karo.
Dadka noocaas ah, kama madhna han iyo himilo inay kursiga ugu sareeya ee dalka mar fadhiistaan balse waa dariiq adag oo dheer sida ay uga gudbaan duruufaha ka horeeya. Dadka noocan ah intii Soomaaliland jirtay waxa aynu aragnay oo tusaale u soo qaadan karaa kuwa ugu dhow ee tilmaamahaas lahaa 1) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku guulaystay inuu dariiq dheer u soo maray kursiga ugu sareeya soona noqday xubin baarlamaan, weliba qof kasta dheer sabir iyo adkaysi ileen isagoo halgamaa ahaa ayuu 80 cod keliya kaga tegay kursiga dalka ugu sareeya, markii danbena noqday madaxwayne, hadana iskii uga tanaasulay doorashiidii labaad ee sharicgu u ogolaa; 2) Madaxwaynaha xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna halgan dheer u soo maray hankiisa iyo himiladiisa kuna guulaystay walow, isagu golayaasha baarlamaan iyo deegaan aanu soo marin hadana, waa shakhsiyad aaminsan inuu ka dhabeeyo waxii Soomaaliland loo aasasay iyo in dadka iyo dalku horumar la taaban karo gaadhaan mudo xileedkiisa madaxwayne; 3) Gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo soo noqday xubin iyo Gudoomiye baarlamaan, dariiqii kursiga sarena u weel samaystay una tartamay inkasta oo aanu ku guulaysan doorashadii hore, waxayse u muuqataa inuu markale tartami doono oo noqonaysa markiisii ugu danbeeyay ee ku tartanka saaxada siyaasada Soomaaliland; 4) Cabdulqaadir jirde Aw Cali oo isaguna soo noqday xubin baarlamaan hayana dariiqaas una muuqda nin hadaan da’du ka hiilin rajo fiican u leh inuu hiigsan karo hogaaminta guud ee dalka. Ma jiro golayaasheena deegaanka xataa qof la yimi inuu han baarlamaan isu sharaxo una dalaco iskaba daa mid kursiga ugu sareeya’oo. Waxa jira xubno kale oo aan iyagu ka duwan kuwa sarre ku sheegan balse aan hubo inay leeyihiin han, hiraal iyo himilo fog oo hadii fursad la siin lahaa wax wayn dalkan iyo dadkan ka badali lahaa laakiin markay arkaan duruufta qabyaalada ee codku ku imanayo doorashada baarlamaanka iyo deegaanka iyo mida madaxwaynaha iyo dhaqaalaha baaxada leh eel agama maarmaanka u ah intaba candhuuftooda dib isaga liqay ama ah kuwo qoolaaliyaya in mar uun fursadi soo mari doonto iyo dabcan qaar ka niyad jabay oo aan hawaysanayn.
Guushu maaha hadyad cidi kuu dhiibayso ee waxay ku dhex jirtaa guuldarooyin badan oo hadaad iska ilaaliso una sabirto aad kala soo dhex baxayso guusha, sida dahabku dhagxaanta uga mid yahay hadana uu ugu dhex jiro dhudhubo iyo meelo lakabyo dhaabadaysan oo ka sokeeya oo loo maro dhib helistiisa. In guusha gaadhisteedu sidaa aan sheegnay u dhowdahayna waxaa tusaale u ah ragaas kor ku sheegan inta ay guuldaro iyo halgan soo mareen qaarkoodna weli u halgamayaan dib u milicso taariikhdooda ama la sheekayso inta nool waxay ku siin doontaa xog ka balaadhan inta imika jaamacada dunida ay ka dhigaan maadada culuunta siyaasada weliba waxaad ka helaysaa aqoon ku qotonta dhaqankeena iyo habka aynu bulsho ahaan u jiro. Ma mala-awaalayo ee xubno kursiga ugu sareeya gaadhay oo ka mid ah ragaas ayaan la soo shaqeeyay lana shaqeeyaa xiligan aan qoraalka qorayo.
Waxase nasiib darro wayn ah, in xubno kale oo badani la god galeen aqoontaas iyo waaya-aragnimadoodii, inta noolna waxa laga qoraa ay noqotay amaan iyo faanin ee aanay ahayn xog iyagu iska qoreen oo ay ugu talo galeen inay u dhiteeyaan una ababiyaan hogaamiyayaasha ka danbeeya si ay waxna u baraan, waxna uga digaan una siiyaan tilmaamo xor ah oo ka madax banaan qabyaalad, caadifad oo u iftiimin kara dariiq gaadhsiin kara Soomaaliland halka ay iyagu hayaanka geediga ku wadeen balse muddo xileedkoodu u suurta gelin waayay ama ay ka gaabiyeen duruufo awgood. Ugu danbayn, halka ay ka timi Soomaliland, halkay maraysaa iyo halka ay u socoto waxa ka jawaabi kara cidii wax ka ogayd aasaaskeedi halkii laga bilaabay Soomaaliland. kuma helaysid abaarr-hiraaleedka halka loo socdo ilaa aynu dib ugu noqono oo ka soo bilowno sida/halka aynu dad iyo dal ahaan ka soo amba qaadnay geediga.
Hadaba, Murashixiinta doorashada waxa la gudboon inay helaan oo u xushaan hawshooda xilliga doorashada ( (Campaign team) xubno madaalayaal ah oo dadka hanta qalbigooda si loo yareeyo filashada in aduun iyo haynta dhaqaale aanay ka qaalib noqon mabda’a guud waxuu doono ha ku salaysnaadee iyo in xooga la saaro in murashaxa iyo dadka ku xeerani ay is iibgayn karaan iskana iibin karaan bulshada (Bulshada markaan leeyahay waxa ku hoos jira qabiilka la inagu qaatay). Taas ayaa muhiim ah in xooga la saaro, walow xiligan casriga ah haynta jeebka hadba sida ay tahay qayb wayn ka qaadato aloosida hawsha doorashada kuna jirto kaalinta ugu mudan oo aad moodo inay xataa imika caadifadii qabyaaladu hadaanay iidaan ama dufan wadan kuugu shaqaynayn sidii hore, maadaama suuqyo ganacsi oo codka lagu kala iibsadaa furmaan xilliyada doorashada gaar ahaan dadka loo kala raro magaalooyinka.
Anigu hadaan halkaas is dhex dhigo oo dadka kale uun aanan qiimayn ee aniga laf-ahaan-taydu is eego, markii aan doorashada baarlamaanka isu sharaxay 2005, waxaan ahaa ganacsade si fiican dhaqaale u sameeyay oo aan odhan karo kuwa u jeeb roon ku jira xiligaas, taas oo aan markii danbana hayad maxali ah oo aan samaynay ilaa imikana shaqaysa oo u adeegaysay qaybo bulshada ka mid ah oo gacan daryeel iyo taageero u baahan, gaar ahaan dadka xanuunada maskaxdu haleeleen iyo daryeelayaashooda, agoonta iyo caruurta duruufaha kala duwani haystaan. Mudadaas aan hogaamiyaha u ahaa hayadaas, waxaan dareemay in aan ashkhaas ama hayadi wax wayn ka tari karin baahida balaadhan ee dadka noocyada kor ku sheegan ahi qabaan haday tahay daawayn, daryeel iyo u hiilin xaquuqda ay dalka ku leeyihiin.
Waxaan aaminay oo run ahayd in gacan xukuumadeed oo keliya ay baahida dadkaas wax ka qaban karto taasina ku iman karto in la helo siyaasad jaangoysa wax ka qabashada baahiyaha ku xeeran dadkaas xanuunada maskaxda ay haleeleen. Waxaanu soo iba-bixinay qabyo qoraalka siyaasada daryeelka iyo daawaynta xanuunada dhimirka (Draft Somaliland Mental Health Policy) oo wasaarada caafimaadka, khubaro iyo daneeyayaal badan mudo kolba si uga shiraynay si dadkaa suuqyada wareegaya loogu helo daryeel, daawayn iyo weliba markay ka soo reeyaan in loo dejiyo hab loogu abuuro shaqo abuur si dakhli u sameeyaan. Waxa dhib nagu noqotay in xubnihii baarlamaanka ee xiligaas joogay ay arintaas iyo qabyo-qoraalka siyaasadaas labadaba aanay u arag inay ahmiyad wayn ay u leedahay kumanaan qof oo dad sabool ahi gacanta ku hayaan oo xanuunkooda la tacaalaya.
Shirar badan oo la galay iyo qancin xubno baarlamaan oo ahaa baarlamaankii ka horeeyay kan imika jooga ayaa noqday kuwo guuldarro ku soo dhamaaday. Taasi waxay i siisay aaminka ah in aan ka fekero sidaan baarlamaanka soo socda isugu sharixi lahaa si dadkaas xanuunada maskaxda hayaan ee suuqyada wareegaya ama guryaha lagu hayo iyo caruurta derbi jiifka ah iyo kuwa la daadiyaa u heli lahaayeen xeerar, hagayaal iyo siyaasado xukuumada ku qasbaya inay u qoondayso dhaqaale miisaaniyadeed si wasaaradaha ku shaqada lihi ay taageero wayn ugu fidin karaan. Sababtaas ayaa ka danbaysay inaan baarlamaanka isu soo sharaxo iyo xiligaas oo doorashadii ugu horaysay ee tartan ah la mudeeyay nasiib wanaag, waxay noqon lahaydba kuma soo bixin doorashada sidaan hore u sheegay.
Waxaan ku amaanaya xukuumada imika joogta ee talada haysa oo markii ugu horaysay taariikhda qoondo miisaniyadeed u samaysay sanadkan daryeelka iyo daawaynta dadka xanuunada dhimirku haleelay iyo goobaha lagu xanaaneeyo, taas oo lacag kooban loo saaray cashuurta jaadka. Inkasta oo aana hubin in xeerar iyo siyaasad u gaar ahi jirto daryeelsiinta dadkaas xiskoodi maqan yahay, hadana arinkaasi waa talaabo hore loo qaaday waxaana si gaar ah ugu amaanan Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Caafimaadka iyo dabcan, ganacsatada jaadka oo ogolaaday in cashuur kooban lagu kordhiyo jaadka si dadka xanuunada maskaxda ay hayaan iyo daryeelayaashooda (People with mental health needs and their care takers) wax loogu qaban karo. Nabigeenii Muxamed SCW waxuu xadiis ku yidhi; Isugu naxariista dhulka ha la idiinka naxariisto samadee. Waa hubaal hadii aynu gacansiino inta jilicsan una naxariisano kuwo aan is maamuli karayn ee ay ugu horeeyaan dadka xanuunada maskaxdu ay hayaan iyo daryeelayaashooda, caruurta derbi jiifka ah iyo kuwa saboolka ah waxa hubaal ah in ilaahayna inoo furayo barakooyinka samada iyo dhulka. Halkaas ayaana u baahan in aan ka raadino horumar badhaadhe wata waana hawl u taala xubnaha golayaasha baarlamaanka iyo deegaanka ee soo scoda inay ahmiyad siiyaan kana dhabeeyaan kuwooda ilaahay u ogolaado ee ku guulaysta doorashadan. Waxaan ka codsan lahaa in cid kasta oo masuuliyad iyo kaalin ku lihi ay sida ugu wanaagsan ugu adeegto uguna hagar baxdo sidii dadkaas xanuunada maskaxdu haleeleen, daryeelayaashooda iyo ubadkoodaba u heli lahaayeen daryeel, daawayn iyo hab ay u noolaadaan bulshada dhexdeeda.
Farxaan Aadan Haybe
Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News