18MayNews.com
Wasiirka  Horumarinta  Caafimaadka Somaliland  Oo Kalfadhigii 55aad Ee Golaha Wasiiradda Somaliland  Kaga War Bixiyay Xaalada Caabuqa CORONAVIRUS.
March 12, 2020 - Written by Nour Moh

Hargeisa (18may-news)

 

Wasiirka  Horumarinta  Caafimaadka Somaliland  Oo Kalfadhigii 55aad Ee Golaha Wasiiradda Somaliland  Kaga War Bixiyay Xaalada Caabuqa CORONAVIRUS.

 

Wasiirka Wasaarada Horumarinta  Caafimaadka Somaliland  Ayaa Kalfadhigii 55aad Ee Golaha Wasiiradda Kaga Warbixiyay Xaalada Caabuqa CORONAVIRUS.

Fadhigii Golaha Wasiirradda JSL Ayaa Maanta Lagaga Dooday Qodobo Muhiima Oo Uu Kamid Yahay Caabuqa CORONAVIRUS.

Fadhigii 55aad Ee Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Uu Shir-Guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Kuna Wehelinayey Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Ayaa Lagaga Dooday Xaalada Caabuqa Corona Iyo Qodobo Kale Oo Muhiim Ah.

Ugu Horayn Waxa Golaha Warbixinta Xaalada Caabuqa Coronavirus Si Buuxda Uga Warbixiyay, Wasiirka  Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka Somaliland, Mudane Cumar Cali Cabdillaahi Oo Xusay In Illaa Hadda Dalku Uu Ka Bad-Qabo Sidoo Kale Ilaa Hada Aan Cidna Lagu Arag Astaamaha Xanuunkaasi Lagu Garto.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka Somaliland, Mudane: Cumar Cali Cabdillaahi Ayaa Dhanka Kale Ka Warbixiyay Talabooyinka Ay Wasaaraddu Ilaa Imika Ay Qaaday Iyo Heeganka Laga Galay Kahortaga Coronavirus Iyo Meelaha Loo Baahan Yahay In Kor Loosii Qaado Wadajirka Qaranku Uu Iskagaa Kaashanayo Kahortaga Halista Cudurka Coronavirus Ee Dunida Kufidaya

COMMENTS
Latest News