18MayNews.com
Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Kulan La Qaatey Masuliyiin Sare Oo Ka Socdey Hay’adda Socdaalka Adduunka (Faah Faahin)
March 11, 2020 - Written by Nour Moh

Hargeisa (18may-news)

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Kulan La Qaatey Masuliyiin Sare Oo Ka Socdey Hay’adda Socdaalka Adduunka (Faah Faahin)

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Cafimaadka Jsl Ayaa Xafiiska Ku Qaabilay Masuuliyiin Ka Socday Hay’adda Socdaalka Adduunka (International Organization Of Migration) Ee Magaceega Loosoo Gaabsado (IOM).

 

Kulankan Oo Ka Qabsoomay Xafiiska Wasiirka Ee Xaaruunta Wasaaradda H. Caafimaadka Jsl Ayaa Waxa Wasiirka Ku Wehelinayay Agasimaha Guud Ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

 

Kulankan Ayaa Lagaga Wada Xidhiidhka Iyo Wadashaqaynta Labada Dhinac Iyadoo Xiligan Ay Wasaaradda H. Caafimaadka Jsl Baadhitaano Caafimaad Ay Ka Wado Dhamaan Xuduudaha Dalka Lagasoo Galo Kaasoo Lagaga Hortagayo Cudurka Coronavirus Ee Halistiisu Dunida Kusii Fidayso Wadamada Caalamkuna Iska Kaashanayaan Kahortaga Iyo Xakamaynta Cudurka Coronavirus.

Image may contain: 2 people, people sitting, living room, table and indoor

COMMENTS
Latest News