18MayNews.com
Wax Ka Ogow Shuruudaha Lagaaga Baahanyahay Hadii Aad Rabto Inaad Kaadhkaga Codbixinta Ubadelato Goob Kale[Xogg]
January 16, 2021 - Written by admin

Wax Ka Ogow Shuruudaha Lagaaga Baahanyahay Hadii Aad Rabto Inaad Kaadhkaga Codbixinta Ubadelato Goob Kale[Xogg]
GOOB BEDDEL.
Muwaaddin kasta oo diwaan galintii hore diwaan gashanaa waxa loo oggolyahay codsiga goob beddelkaa, waxa laga rabaa in uu keeno:
▪︎Kaadhkiisii hore ee caddaynayay xogtiisa oo dhan.
▪︎Caddaynta sababta ku kaliftay codsiga beddelashadaa.
▪︎ Inuu sheegaa halka loo beddelaya.
▪︎ Qofka kaadhku ka lumayna waa inuu sitaa qoraalkii caddaynta ahaa ee komishanka qaranka.
▪︎ Komishanku marka uu ku qanco sababta keentay codsiga kaadh beddelkaa waxa uu u beddelayaa muwaaddinkaa goobta codbixinta, waxaana la siinayaa kaadh cusub oo ay ku qorantahay xogtaa cusubi, goobtii horana waxa laga masaxayaa xogtiisii hore.
▪︎ Codbixiyuhu marka uu dalbanaayo goob-beddel waa in u jooga degmada uu u soo beddelanaayo – meel aanu joogin looma beddeli karo.
Codbixiyaha waxa loo beddeli kara;
Codbixiye Degmo uga beddelanaya degmo kale.
Degmo gudihii uma bedelan kartid – tusaale ahaan, 26-ka June iyo Ahmed Dhagax way ka reeban tahay goob bedel.
Goob bedel waa degmo to degmo oo keliya. Degmada Hargeisa –> Degmada Laascaanood.
▪︎Goob-beddelka waxa laga sameynaya xafiisyada Degmooyinka iyo meelaha kale ee Komishanku u asteeyo oo keliya.
La Taliyaha Arrimaha Sharciga Kommisionka Doorashooyinka Qaranka S/land (KDQ)
Garyaqaan- Cali Baashe Maxamed

COMMENTS
Latest News