18MayNews.com
Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Si Weyn U Taageeray Khudbadii Garnaqsiga Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland Ka Jeediyey Wadanka Jabuuti [Faah Faahin]
June 15, 2020 - Written by Nour Moh

Hargeisa (18may-news)

Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Si Weyn U Taageeray Khudbadii Garnaqsiga Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland Ka Jeediyey Wadanka Jabuuti [Faah Faahin]

Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Ayaa Si Weyn U Taageeray Khudbadii Garnaqsiga Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ka Jeediyey Furitaankii  Shirkii Wada Hadalada Ee U Dhexeeyay Somaliya Iyo Somaliland Oo Maalintii Shalay Ka Furmay Wadanka Jabuuti  Isla Markaana Ay Kasoo Qayb Galeen Raysal Wasaaraha Wadanka Itoobiya Abiy Ahmed ,Madax Ka Socotay Urur Goboleedka Igad ,Safiirka Maraykanka U Fadhiya Somaliya Iyo Somaliland Amb Yamoto ,Madaxweynaha Wadanka Jabuuti Oo Isagu Marti Geliyey Iyo Madax Kale Oo Aad U Tiro Badan .

Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Sidoo Kale Guul Weyn Ku Tilmaamay Hab Maamuuskii Wadanka Jabuuti Loogu Soo Dhoweeyay Weftidii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Hogaaminayey Taas Oo Ka Dhignayd War Farxadleh  Leh Oo Geeska Afrika Usoo Kordhay .

Somaliland Sodonkii Sano Ee Udanbeeyay Waxay Abuurtay Tusaale Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Sida Loo Abuuro Nabad Waarta ,Xasilooni ,Dmiuqraadiyad Qaangaadh Ah Iyo Sida Loo Dhiso Dawlad Shaqaynaysa (Functioning Goverment) Oo Xidhiidh La Leh Dunida “ Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xidhay Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Sicid Ayaanle .

COMMENTS
Latest News