18MayNews.com
Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Dhanbaal Hanbalyaa Udiray Qaranka JSL Xuska Sanad Guurada 30aad Ee Ka Soo Wareegtay Lasoo Noqoshada Madaxbananida Somaliland Awgeed[Hanbalyo]
May 17, 2021 - Written by admin

Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Dhanbaal Hanbalyaa Udiray Qaranka JSL Xuska Sanad Guurada 30aad Ee Ka Soo Wareegtay Lasoo Noqoshada Madaxbananida Somaliland Awgeed[Hanbalyo]

“”Hanbalyo”

Waxan Dhanbaal hanbalyaa Udirayaa Guud Ahaan Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Munaasibada Xuska Sanad Guurada 30aad Ee Ka Soo Wareegtay Lasoo Noqoshadii Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland Oo Ku Beegan Beri Oo Taarikhdu Tahay 18/5/2021ka

Maalintani Waa Maalin Qiimo Wayn Ugu Fadhida Qaranka Jamhuuriyada Somaliland
Waa Maalin Xus Iyo Xasuus Gaara Inaga Mudan
Waa Maalin Helitaankeeda Lo Soo Maray Halgan Adag Oo Dhiig Iyo Dhaqaaleba Ku Baxay
Waa Maalin Helitaankeeda Ay Inagaga Shahiideen Geesiyaal Naftooda Hurayaala(Alle hawnaxariisto Intii Ku Shahiiday Halgankaasi Qadhaadha Ee Loo Soo Maray Lasoo Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland)
Inta Ka Nool Halgamaayaashii Ururkii SNM Na Alle Ha Xafido Dhamaantood

Alle Mahadii Weeye 30 Sano Kadib In Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Uu Ku Talaabsaday Horumar Iyo Guulo Waawayan Oo Dhaxal Gala
Alle Sanadkan Sanadkiisa Haynagu Gaadhsiiyo Bashbash Iyo Caafimaad Qabb Iyo Ictiraaf Buuxa
Guud Ahaan Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waxan Leeyahay Halka Aynu Kasii Wadno Midnimada Iyo Isku Duubnida Oo Ah Ta Kaliya Ee Aynu Kusoo Nabad Iyo Caano-maalnay

Sanad Guuro Wacan
Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland
Cabdirisaaq Siciid Ayaanle”
Allah Mahad Leh

COMMENTS
Latest News